|

Ujeedka Socdaal Ay Wasiiradda Wasaaradaha Xanaanadda Xoolaha Iyo Deegaanku Ku Tageeen Banka Qool-cadey Ee Degmadda Sallaxley Iyo Baahiyaha Ay Dadka Deegaanku Dalbadeen In Wax Lagala Qabto

Wasiirada Deegaanka Marwo Shukr Xaaji Ismaciil Baandare & Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mud. Cumar Sheekh Maxamed ayaa Kormeer Ballaadhan Ku Soo Maray Deegaanada Qool-Caddey iyo Gunburaha.Waxana Koormeerkan Wasiiradu uu Salka ku Hayey, Xogogaal Noqoshada Xaaladda Nololeed ee Dad & Duunyaba. Deegaanka Qool-Caddey oo ah Deegaan aad u Ballaadhan, ayaa Waxa Iskugu Yimid Xoolo Dhaqato aad u Tira Badan oo ka Kala Yimid Deegaanada Waqooyiga, Galbeedka iyo Gubanka, Halkaasi oo ay u Soo Daaq Doonteen, ka dib Markii Raxmadda Eebbe uu Dhawaan Halkaasi ka Da’ay. Dadka Deegaanka ayaa Waxay Wasiirada uga Xog Warameen Xaladooda Nololeed, Iyaga oo Wasiirada ka Codsaday in Wax Kala Qabtaan Dhanka Xoolaha ee Caafimaadka iyo Weliba Sidii Seeraha looga Baabiin lahaa!!!
 
Hadaladii Wasiiradda Deegaanka & Hoorumarinta Reer Guuraaga Marwo Shukri Xaaji Baandare:
Marwo Shukri Xaaji Baandare oo Halkaa ka Hadashay ayaa Sheegtay ,, In Dhawaan Deegaanada Seeraha ah ee Iska Xidhan ay Baabiin Doonaan, si Xooluhu u Daaqaan. Dhulka Waa la Furayaa!!! Dawladduna Wax Qabad ayey Diyaar u Tahay, Dhulka Waa la Furayaa!!!
 
Wasiirka Xanaanada X oolaha Mud. Cumar Sheekh Maxamed Waxa Hadaladiisii Ka Mid ahaa:
Deegaankan Qool-Caddey Waa Meesha aynu Iskugu Soo Guurno, Waa Meesha Keliya ee Maanta lagu Baxsanaayo, Xoolaheena oo Dhami ay iskugu Yimaadaan.
 
Halku-Dhegga Fariintayda Maanta:
1948 kii ayaa Maamulkii Boqortooyadii Ingiriiska ee Dalka ka Talin Jirtay, ay Kala Xadaysay Soohdimaha Dhulka Daaqsimeedka & Dhul Beereedka Somaliland. Labada Dhul, Min Bari ilaa Galbeed Kolka Hargeysa 22 kms hawd looga Kaco, Waa Soohdinta Dhul Daaqsimeedka, Waxana Calaamad u ah oo la Yidhaahdaa Mitirka. 
 
Xoolaheenu Waa Bilaa Xuduud:
Sidu Ka Dhawaajiyey Wasiirka Xanaanada Xooluhu Mud. Cmar Sheekh Maxamed, Deegaanka Qööo-Caddey, Waa Meesha Keliye ee aynu ka Baxsano, Xoolaheenu oo Dhami ay iskugu Yimaadaan!!! Bamka Qool-Caddey Waxa Xilliyada Baad la’aanta iyo Abaaraha Adag Dhacaan uu Daaq Wadaajiyaa 5 ta Gobol ee Badhtamaha, Waqooyiga iyo Galbeedka Xoolo Dhaqatada Somaliland. Nabad iyo Walaalnimo Ku Wada Daaqa.
 
Waxa Baryahan Qaylo Xoogan ka Soo Yeedhaysay Deegaan Qool-Caddey oo Shakhsiyaad Magaca Madaxnimo iyo Dilaaliin Horboodaysaa ay Damacsan tihiin in Banka Qool-Caddey ay Ku Dhaxal Wareejinayaan!!! Iyaga oo soo Huwiyey Mashruuc Xool Naaxin ah ayaa Banka loo Seerayaa!!! Yaa loo Seerayaa   Yaa laga Seerayaa   Yaa loo Boobayaa   Mashruuca Seeraha Banku Waa Dabar Goynta Xoolaheena!!!
 
Fariin:
Waxan Fariin Halkan ugu Gudbinayaa Cuqaasha Shanta Gobol ee Maroodi Jeex, Hawd, Gabiiley, Awdal iyo Selel, Shanta Gobol ee Xoola Dhaqatadiisu ay ku Nooshahay Daaqa Banka Qool-Caddey in ay Cod Mideysan iyo Cudud Mataanaysan in ay Ilaashadaan Deegaankooda Qool-Cadey ee Jad-ka-Jad ay ku Badbaadi Jireen. Cuqaashana Waxa Waajid ah, in Ummadda Magta ay ka Rabaan in Neefka u dhawraan.
 
War Farxad Badan oo Asbuucii Hore aan helay, Mar aan Xidhiidh la Soo Sameeyey Deeganka Qool-Caddey iyo Bankii, Ayaa lay Sheegay in Usha kor loo Tuuraa in aanay Dhul u Dhacahayn oo Shanta Gobol ba loo Dhanyahay!!! Waxa kale oo aan Maqlay Hayado ayaa Gaalaa Baxaaya Bankii Qool-Caddey oo Wacyi Gelin Mashaariic ku Soo Qaatay . Shacabka Deegaanka la dhex Qaadaaya ,, Bankaa Seero laga Sameynayaa!!! Deegaanka Banka Qoo-Caddey Uma Baahna Seero, Ma Aqbalaayo in Dhulkooda Shakhsiyaad Boobaan iyaga oo Magac Dawladeed iyo Xoog Adeegsanaaya. Banka Qool-Caddey Nabad iyo Mar Colaadi Jirtay Dadkeena Xoolo Dhaqatada ihi, Neef Geela ah ayey Wada Maali Jireen, Hiddo iyo Dhaqan Suuban bay Wada lahaayeen.
 
Waxan Halkan ku Qiimeynayaa Kuna Qadarinayaa Hadladii labada Wasiir ee Deegaanka iyo Xanaanada Xoolaha ee Komeerka ku Soo Maray Deegaanka Qool-Caddey oo Macno khaas ah Xanbaarsanaa, Marwo &  Mud. Seeraha Ha la Baabiyo, Banka Yaan lanaga Seerin.
Dhulka Yaan Dhalan Rogin!!!           Dhulka Waa la Furaya!!!a.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika       Sweden  

Comments are closed