Ujeeddada Wefti uu hoggaaminayo Talliyaha Ciidanka Booliiska ay ku Tageen Gobolka Sanaag
Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Talliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Talliyaha, Waxaa dulleedka magaalada Ceerrigaabo kusoo dhaweeyay qaar ka mida masuuliyiinta Gobolkaas iyo talliyaha Qaybta ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kormeerka uu ku yimid Gobolka Sanaag Taliyaha Ciidanka Booliisku si loo adkeeyo nabadgalyada maadaama ay ka bilaabayso Diwaangalinta codbixiyayaasha Doorashada Somaliland.
Talliyada Ciidan Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in uu Gobolka Sanaag u tagay Kormeer uu sanad walba ku sameeyo ciidanka booliiska Somaliland.
Talliye Fadal, waxaa kale oo uu sheegay inuu kormeerkan uu ku tagay Gobolka Sanaag ujedeedadiisu tahay sidii loo adkayn lahaa Nabadgalyada Gobolkaas.“Ciidamo badan ayaanu keenay (Sanaag) oo aanu ku xoojinayno Amniga”ayuu yidhi Talliye Fadal.
Diwaangalinta Codbixiyaasha Doorashada 2017 ka lagu wado inay Somaliland ka dhacdo ayaa la filayaa in 15 bishan laga bilaabo Guud ahaan Deegaanada Gobolka Sanaag taasi oo nabadgalyada aad loo adkeeyay.