|

“Ujeeddada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi-geliyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda” Ra’isal Wasaare Saacid

Muqdisho 19.October 2013 (SDN) Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra'isal wasaaraha Somalia SaacidWuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay dadka lagu dhaawacay falkaas.

Raysul wasaaraha wuxuu qaraxaas ku tilmaamay mid la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo horumarka uu hiigsanayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Soomaalida ku guubaabiyay inay si wadajir ah ugu istaagaan sidii argagixisada loo ciribtiri lahaa.

“Ujeeddada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi-geliyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Qaraxa oo dhacay maanta barqadii waxaa ku geeriyootay 16 qof, 26 kalena way ku dhaawacmeen.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed