|

Ujeedadda Wufuud Reer Galbeed ah Oo Maanta La Filayo Inay Hargeysa Yimaadaan Iyo Warwarka Madaxtooyada Oo Sii Badanaya

Hargaysa:April,29,2015(SDN/QJ)-Wufuud sare oo katirsan Dalalka Reer Galbeedka, ayaa la filayaa inay Maanta soo gaadhaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana hoggaaminaya Saraakiisha Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Magaalada Addis Ababa.

forcwaftigan ayaa ujeedadiisa lagu sheegay inay u socdaan gudoomiyaha gollaha guurtida somaliland,Md.Saleebaan Maxamuud Aaadan(Gaal),oo ay kulan ,kala yeelan doonaan hadalo ay ka biyo diideen oo ka soo yeedhay,kuwaasoo waftigani u arkeen kuwo caqabad ku noqon kara doorashooyinka iyo  go,aankii ay guddiga doorashooyinku ka soo saareen  mudaynta wakhtiga doorashadu qabsoomayso.

Xogaha Warbaahintu hayso, ayaa intaas ku daraya   in wadamada inaga caawiya dhinaca  doorashooyinku marnaba aqbali doonin wax ka horimanaya  go,aankii komishanka iyo xisbiyadu isla qaateen oo ku ekaa Horraanta Bisha lixaad ee Sanadka Dambe.

lama oga mudada ay waftigani joogi doonaan dalka balse waxa ila-wareedku tilmaamayaan inay yoolka socdaalkoodu ku jihaysan yahay Golaha guurtida iyo Gudoomiyahooda.

Waftigan ,waxa uu ku soo beegmayaa,iyadoo guddomiyaha guurtida si aan gabasho lahayn u sheegay inay u kordhinayaan xukuumada,taasina ay  biyo diideen xisbiyada mucaaridku.

Todobaadyadii u dambeeyay waxa soo kordhaya digniinta iyo fariimaha adag ee dalalka doorashooyinka inaga taageera ay u soo dirayaan xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo,kuwaasoo uga digaya  mudo kordhin guurtida islamarkaana in doorashada qabsoonto wakhtiga komishanku u mudeeyay,

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed