Ujeedadda Safar La Filayo Inuu Madaxweyne Siilaanyo Maalinta Berri ah Ku Tago Gobolka Awdal
Hargeysa:Aug,25,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay maalinta berry ah safarĀ kooban ugu baxaan Gobolka Awdal, waxana Magaalada Borama laga dareemayaa Socdaalka Madaxweynaha.
Inta badan saraakiisha ammaanka dalka ayaa ilaa iyo shalay kusii qulqulayey magaalada Borama, waxana xubnaha halkaas gaadhay ugu culus taliska sare ee ciidamada RRU-da iyo waliba Sirdoonka, waxana la arkayaa ciidamo aan hore u joogi jirin magaalada oo Saldhigyada ku sugan.
Safarka madaxweynaha wali si rasmi ah looma shaacin, waxase wararka soo baxayaa sheegayaan inuu salka ku hayo ka qaybgalka Qalinjebin dhawaan loo samayn doono Arday ka qalinjebisay Jaamacadda Camuud iyo waliba sidii uu Kulan turxaan bixineed ula qaadan lahaa Waxgaradka Reer Borama oo muddooyinkii ugu dambeeyey kalsoonidoodu sii yaraanayso.
Safarkan madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Awdal, ayaa kusoo beegmaya xilli Reer Borama qabaan warwar dhinaca Nabadgelyada ah, iyadoo dhawaan Meherad halkaasi ku taalla la weeraray, isla-markaana dhaawacyo kala duwan loo geystay Dad shacab ah. Waxa kale oo xusid mudan inay taagan tahay dood adag oo Reer Awdal ka qabaan Saami-qaybsiga Xulashada Baarlamaanka Somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com