Prof: Galaydh iyo Siyaasiyiinta Reer Sool ee Xilalka ka haya Somaliland oo Dood Adagi ku dhex-martay Hargeysa DAAWO
Hargaysa 16. June 2017 (SDN/QJ):- Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa magaalada Hargeysa ku sugnaa Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka mid ah Maamulkiisa kuwaasi oo u joogay arimo la xidhiidha wadahalada u socda maamulkooda iyo Xukumada Somaliland.
Habeenkii xalay ahaa ayaa waxa kulan Garnaqsi ah Jilabaha isku daray Kooxda uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh iyo sidoo kale Xubnaha hore u aaminsanaa Fikirka Somaliland ee xilalka ka haya Xukumada Siilaanyo iyaga oo matalaya Deeganada Maamulka Khaatumo ku abtrisado.
Waxaana sida xogo hoose oo aan la helnay Kulankaasi ay xusayaan in labada dhinac dood dheer ka dib la isla qaatey in si wada jir ah loo taageero wadahadalada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo isla markaana ay xubno ka mid ah Wasiirada goobta fadhiyey oo hore u diidanaa shirka ay ka daayaan carqaladaynta.
Haddaba, doodda ugu adag oo dhex-martay Prof: Cali Khaliif Galaydh oo ku doodayey in Khaatumo tahay Maamul jira oo ay Somaliland aqoonsan tahay, isla markaana wadahadal u socdo, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Xubno kale oo ku doodayey inaanu jirin wax Maamulka Khaatumo la yidhaahdo, isla markaana ay yihiin Dhulbahante Beel ka tirsan Beelaha Somaliland, sidaas awgeedna laga wadahadlo Danta Beesha iyo waxay tabashadoodu tahay.
Haddaba, Dooddada Siyaasiyiinta Sool iyo Buuhoodle ka soo jeeda ee Golayaasha Dawladda Somaliland ka tirsan iyo Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku dhex-martay Kulankaas ay xalay ku wada yeesheen magaalada Hargeysa, Codad laga duubay oo u muuqday kuwo aan Warbaahinta loogu talo-galin, balse Saxaafadda qaarkeed soo bandhigeen , waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan ee ka bogasho wacan oo wanaagsan