|

Uhurur Kenyatta Oo Qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Nairobi,8Nov,2015(QJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Kenya safar ku jooga ayaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan kula qaatay madaxtooyada dalkaasi.

Waxa Xasan Sheekh wehelinayay wasiirrada arrimaha gudaha Somaia, qorsheynta, difaaca iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya. Halka Kenyatta ay isna ku wehlinayeen kulanka wasiirkiisa arrimaha dibadda, gudaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya.

“Waxaan la kulmay RW Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, annigoo kula kulmay aqalka madaxtooyada ee Nairobi,” ayuu yidhi Uhuru Kenyatta oo sheegay inay labadadooda masuul ka wada hadleen danaha labada dhinac iyo xidhiidhka iskaashi. Wuxuu sheegay in la dhiso guddi dardar galisa iskaashiga labada dhinac.

Kenya iyo Somalia oo kaashanaya hay’adda UNHCR, ayaa ka wada shaqaynayay arrimaha qaxoontiga Soomaalida ku nool dalka Kenya, kuwaasi oo la qorshaynayo dib u celintooda. Waxa sidoo kale muran ka dhex abuurtay labada dal dacwadda maxakamadda caalamiga ah ee ku saabsan muranka dhinaca badda ee labada dal.

 

 

Comments are closed