|

Ugu Yaraan Shan Wariye Oo Ciidamada Boolisku Xabsiyada Hargeysa Ku Gureen

Hargeysa:Jully,23,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan san Saxafi oo kamid ah Wariyiayaasha ka Hawlgala Magaalada Hargteysa, ayaa ciidamada Boolisku ku xidheen Magaalada Hargeysa, sida uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja Md Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

xorcWariyayaashan oo dhammaantood aan wali sirasmi ah magacyadooda loo shaacin, ayaa inta aanu Magacyadooda Xaqiijinay waxa kamid ah Agaasimihii Tv-ga Star Xamse Cali Bulbul, Khadar Macallin Deeq iyo Waliba Nagiib Cabdilaahi Dalmar iyo waliba Laba kale oo aan wali magacyadooda la xaqiijin.

Wariyayaashan ayaa meelo kala duwan lagu kala xidhay, waxana intooda badan lagu xidhay xarunta C.I.D-da, halka qaar kalena lagu xidhay saldhigyo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah.

Guddoomiye Xuuto, ayaa sheegay inuu ka Hawlgeli doono sidii uu wariyayaashaas usoo dayn lahaa, iyadoo ay magaalada Hargeysa ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay ciidamada Booliska oo si weyn u ugaadhsanaya cidkasta oo lagu tuhunsan yahay inay wararka mucaaridka u dhego nugul yihiin.

Wariyayaal kale oo lagu dabo jira, ayaa jira sida wararku nagu soo gaadhayaan, waxana aan la garan Karin sida xaaladdu ku dhammaan doonto.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed