|

Ugu Yaraan 25 Ruux oo Ku Naf Waayay Qarax Is Miidaamin ah oo Xalay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho & Fariinta Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 15. June 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah iyo weerar xigay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegaya in baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala eegtay albaabka laga galo hudheelka Posh Treats oo ku yaalla badhtamaha caasimadda. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerarkaasi cambaareeyay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkii weerarkaasi ku dhintay ay shahiideen, waxa uuna intaasi ku daray in kooxdii weerarkaasi geysatay aysan rabin farxadda dadka Soomaaliyeed.

Weerarkaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ayaa sidoo kale noqonaya kii ugu dhimashada badnaa oo indhawaale ka dhaca magaalada Muqdisho.

Markii uu qaraxa dhacay kaddib ayaa ilaalada hudheelka waxay fureen rasaas, waxaana qof goob jooge ah uu sheegay inuu arkay dhawr mayd oo goobta yaalla.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu weerarkaa qaadeen, ayna sidoo kale galeen makhaayada Pizza House.

Laamaha ammaanka hadda sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ay wadeen ayna maydadka soo saarayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa wakhyidan dambe ka wada magaalada Muqdisho hawlgallo hub ka dhigis ah.

Madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu wacad ku maray in uu muddo labo sano ah ku sifayn doono ururka Al shabaab.

Comments are closed