|

Ugu Yaraan 25 Ruux oo ku Geeriyooday Badhtamaha Qaarada Africa kadib isku dhacyo dhex maray laba maleeshiyo Beeleed

Bar ya 17. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay shan iyo labaatan Qof ugu yaraan ku dhinteen Kumanaan qof-na ay ku bara kaceen dagaal qowmiyadeed oo ku dhex maray labo maleeshiyo  Dalka Badhtamaha afrika.

Warar kale oo ku saabsan dagaalkaasi ayaa waxay iyana sheegayaan in Toban qof ay ku dhinteen Konton kalena ay ku dhaawacmeen Magaalada Barya ee ku taala badhtamaha dalkaasi ka dib markii laba maleeshiyo oo hubaysan uu halkaasi dagaal ku dhexmaray 8-dii ilaa 9-kii bishan septetmbar aynu ku jiro sida uu sheegay xafiiska isku xidhka arimaha bani aadanimo ee Qaraada Midoobay.

 

Waxa kale oo xafiiska Qaramada midoobay uu sheegey  in  dagaal kooxeedyo kale oo ka dhacay tuulada Yaakaaba oo bariga dalkaasi ah ay ku dhinteen shan iyo toban qof sideed Gurina dab la qabadsiiyey.Lix qof oo kale ayaa iyana ku dhintey magaalada Batangafo eek u taala Galbeedka dalkaasi.

Comments are closed