|

Uganda oo shaacisay inay Soomaaliya u Dirayso Diyaarado ka Qayb-qaata Dagaalka lagula jiro Xarakada Alshabaab.

diyarMuqdisho,17,july,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Cirka Uganda ayaa sheegay in ay Somalia u dirayaan diyaarado dagaal si ay qayb uga qaataan dagaalka lagula jiro dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada cirka Uganda, Maj. Kiconco Tabaro ayaa sheegay Jimcihii shalay in diyaaradahan xoojin doonaan howlgallada Midowga Afirka ee Somalia, si Al-shabaab looga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayso.

 

“Ururka Midowga Afrika iyo innaga waxaan ku heshiinnay inaan diyaaradaheena dagaalka u dirno Somalia. Waxaana heshiisku uu dhigayaa in sida ugu dhaqsiyo badan aan u geyno halkaas,” ayuu yidhi Maj. Tabaro oo la Hadlayay Wakaaladda Shiinaha ee Xinhua. Isagoo intaas ku daray in diyaaraduhu ay caawin doonaan ciidamada sidii dawooyin loo gaadhsiin lahaa, loona soo qaadi lahaa dhaawaca.

 

Maj. Tabaro oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Sida la ogyahay ciidankeenu waa kuwo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ku sugan, uuna aad ugu adag yahay dhaqdhaqaaqa iyo xidhiidhka dhanka isgaadhsiinta. Marka diyaaradahan waa kuwo muhiim u ah in si fudud loo gaadhsiiyo qalabka ay u baahan yihiin, dawo iyo daad-gureyntooda.”

 

Sidoo kale, Afhayeen millateri ayaa isna sheegay in dhawaan la billaabi doono howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, ayna ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee ka tirsan AMISOM ay u baahan yihiin caawinaad deg-deg ah.

 

“Waxaanu gaarnay goobo aan dib looga soo laaban doonin. xiligana ma haysano diyaarado naga caawiya dagaalka lagula jirno Al-shabaab,” ayuu yidhi Col. Paddy Ankunda, isagoo ku daray intaas. “Waxaa naga go’an inaan Xoreyno Shacabka Soomaaliyeed.”

 

Dhanka kale, Xubnaha Ururka Midowga Afrika ee ka qaybgalay shirkan heshiiska ay kula saxiixdeen Uganda ayaa iyana sheegay saxaafadda in heshiiskan uu dhigayo in diyaaradaha Qummaatiga u kaca ee Uganda loo diro Soomaaliya.

 

Heshiiskan ay Uganda diyaaradaheeda dagaalka ugu soo dirayso Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo sannadkii 2012-kii ay ku burbureen diyaarado Uganda ay leedahay oo saanad ciidan u soo siday Somalia dhul buuraley ah oo Kenya ku yaalla, shilkaasoo ay ku dhinteen toddoba ka mid ah shaqaalihii diyaaradahaas.

 

Ugu dabmeyn, Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay oo Somalia la keenay sannadkii 2007-kii, xilligaasoo ay Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka mid ah ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya Midowgii Maxkamadihii Islaamka iyo Ciidamadii Itoobiya ee xilligaas joogay.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa deegaano fara badan ka qabsaday Xarakada Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay, inkastoo Al-shabaab ay askar badan oo AMISOM ka tirsan ay ku dileen weerarro Somalia ka dhacay.

 

Comments are closed