|

Uganda oo ka digtay weerar Al-Shabaab ay ka fuliso xarumaha waxbarasho

Kampala 04.April 2015 (SDN/QJ)-  Ciidanka booliska dalka Uganda ayaa ka digay weerarro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ay ka fuliso xarumaha waxbarasho ee dalkaas.

Kale-Kayihura-300x227 (1)Taliyaha ciidanka booliska Uganda Jeneraal Kale Kayihura ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ku sheegay in ay heleen xog ku aaddan in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar ay ka fuliso xarumaha waxbarasho.

Wuxuu tilmaamay in maamullada xarumaha waxbarasho laga doonayo inay muujiyaan feejignaan, iyagoo kaashanaya laamaha amniga oo heegan la galiyay.

Guddiyada ammaanka ee xarumaha waxbarashada ayuu u jeediyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, si looga hortago dhibaato ay geysato kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka booliska Uganda Jeneraal Kale Kayihura ayaa u ka codsaday dadka deegaanka wada shaqeyn iyo inay booliska kala xiriiraan qadad lacag la’aan ah, marka ay arkaan wax ay ka shakiyaan.

Digniintan ayaa imaaneyso kadib markii weerar ay sheegtay Al-Shabaab oo lagu qaaday jaamacadda Garissa ee dalka Kenya ay ku dhinteen 148 oo u badan arday wax ka baraneysay jaamacadda.

Comments are closed