|

Uganda: Baarlamaanka oo Ansixiyey Xeer Tubaakada Ka Dhan ah

Kambala 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Baarlamaanka Dalka Yugaandha ayaa meelmariyey sharci muddo dheer muran ka taagnaa oo dhigaya in la socod iyo kaantarool lagu sameeyo Tubaakada ama buuriga qaybihiisa, taas oo soo afjaraysa khilaafkii soo jiitamay ee umuurtaasi ku saabsanaa
NO SMOKINGWargayska The Monitor ee ka soo baxa Magaalada Kambala ayaa dhamaadkii todobaadkan waxa uu wax ka qoray dhacdadan isagoo sheegay in Ka dib markii labo jeer la joojiyey dooda ku saabsan xeerkan oo heshiis laga gaadhi waayey qodobada laga doodayo darted ay ugu dambayntii todobaadkan gudiga caafimaadka dadka ee golaha wakiiladu waxay ku guulaysteen inay baarlamanka soo hordhigaan ajandahaasi
Sharcigan lagu kaantaroolayo Tubaakada oo ay u olaolaynayaan bahda caafimaadka ee wadankaasi ayaa waxaa ka cadhooday qaybo ka mid ah baarlamaanka oo ku doodaya inay cashuur faro badani ka soo xerooto iibka iyo ka ganacsiga tubaakada, isla markaana Balaayiin shilin laga qaado wershedlayda Tubaakada ee dalkaasi.
Sharcigan cusub ee la ansixiyey waxa uu dhigayaa inay dembi noqon dooto iibka Stick sigaar ah, waxa ugu badan ee qof laga iibin karaana uu yahay baakidh sigaar ah kaas oo ay ku jiraan labaatan midh oo keliya. Waxana si aad ah looga taxadarayaa in sigaarku gaadho gacmaha caruurta, iyadoo loo ogol yahay cabitaankiisa dadka da’doodu ka sarayso 21 sanadood, inkastoo sharciga dalkaasi dhigayo in da’da qaan-gaadhku ay tahay 18 sanadood.
Sharcigu sidoo kale waxa uu mamnuucayaa in Tubaakada ama buuriga iyo waxyaabaha la hal maala in aan loola soo dhowaan Karin goobaha caamka ah sida schoolaad-ka iyo cisbitaalada, waxana la xadiday in ugu yaraan masaafo 50 Mitir ah lagala fogaado. Halka sidoo kalena dalka laga mamnuucay shiishada ama badeecada taasoo aan laga ganacsan Karin.

Comments are closed