|

Ugaaska Guud ee Beelaha Sacad Muuse Oo Ku dhawaaqay inuu Shirkii Beeshu Si midaysan dhawaan u qabsoomi Doono, meeshana ka saaray wax khilaaf ah

Hargeysa:5-Sep-2013 (SDN)-Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), ayaa ka hadlay halka uu marayo shirkii Hoodaale ee Beeshaasi oo loo qoondeeyey in lagu qabto deegaanka Agabar ee Waqooyiga Hargeysa, waxaanuu sheegay inuu shirkaasi dhowaan si toos ah u bilaami doono, islamarkaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono Toddobaadka soo socda.

ugaaskaUgaas Jilba-dhige oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa  meesha ka saaray inay jiraan wax kala qaybsanaan ah oo beesha dhexdeeda ka jiraa, waxana uu xusay inay haatan marayaan  meel fiican oo midnimo iyo tawfiiq leh.

Waxa kale oo uu Ugaasku sheegay in Odayaashii dhawaan Hadlay ay ahaayeen qayb yar oo beesha ka mid ah oo aan loo baahnayn inay qaabkaas u hadlaan, waxana uu ugu baaqay Beel-weynta Sacad muuse inay dhegahooda ka daboolaan dadka ku hawllan in shirku burburo.

Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), waxa kale oo uu sheegay inay qaban qaabada shirkaasi si wanaagsan u socoto oo aanay jirin wax caqabad ah oo hortagan iyo kala qayb sanaan toona, waxaanuu ugu baaqay in la taageero dadka shirkaasi sida wanaagsan u wada ee mideeyey beeshaasi.

 

Ugaas Jilba-dhige oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shirkaas arrintaas aad maqasheen waxba kama jiraan wax  khilaaf ah oo shirka beesha sacad Muuse ka jiraa ma jirto,  shirkuna wuu soconayaa oo wuu dhacayaa waanuu dhow yahay,  hawshii ayaa la  wadaa muddo dhowna aniga ayaa ku dhawaaqi doona, wax ka xumina ma jiro oo waa meel qudha oo dadku heshiis ku yahay, nimanka hadlay ee la idiin sheegay waa niman qayb ah oo gaar ah,  markaa kuwaas ayuun baa hadlay manay ahayn inay hadlaane meel ayey ka dheceen, waxaanan leeyahay ka waaqsada wixii aan dadka qaban,  ninka diidan in shirka Sacad Muuse uu mid qudha noqdo oo mid qudha la tago,  ninka diidanaw meel aad ku noolaan doonto mooyi,  haddii aad labadii aan u soconay ee  baaba’ay doonayso mid qudha ayaa la helay oo lagu midaysan yahay, Umadda midaysan soo raac  adaanay kuu taallaa oo anagu caytamina mayno,  aniga oo Ugaaskii reerka ah oo shirka hogaamin jiray oo xogogaallna ah  ninka hadlayaw sida aan wax u ogahay wax u sheegi maayo,  shirkuna wuu qabsoomayaa oo waa loo ducaynayaa.”

Ugaaska oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi,” cidda  dhex dhexaad ka noqotay ee shirkaas dhalisay ee aduunkeedii ku bixisay aad ayaanu ugu ducaynaynaa shirkana waa looga dhex ducaynayaa,  waxaanan leeyahay Sacad muuse ka gudaha jooga iyo ka dibedda joogaaba ha ku soo talo galo shirka wanaagsan ee midaysan ee dhowaanta dhici doona, kaas oo todobaadka inagu soo socda lagu dhawaaqi doono, aniga ayaana ku dhawaaqi doona oo shirkii waa la fasaxay odhan doona sidaas ogaada oo cidda waxaas wadda dhag ha u dhigina soona duceeya oo ka soo qayb gala ayaan leeyahay arrin iyo aduunba, sidaas ayaan idinka codsanayaa, waxaas khilaaf ah ee la sheegayaana wax jira ma aha oo cidda ila joogtaa waa cidii guddida ahayd, aniga oo Ugaaskii beesha ah oo shirkana ku baaqi doona, waxa shaydaanku sheegayo dhago looma dhigo waxa runta ah ayaa la aqbalaa, doc ka yeedhka lama maqlee sidaas ogaada oo shirkii wuu dhacayaa dhowaan”

Sidoo kale waxa uu Ugaasku ka codsaday wax-garadka iyo aqoonyahanka Beesha Sacad muuse inay si buuxda u taageeraan shirkaas dhawaan dhacaya, isagoo ku boorriyey inay wixii khilaaf ah ee jira danta reerka awgeed meel iskaga dhigaan oo ay quluubta iska saamaxaan.

Shirka Beesha sacad muuse oo in muddo ah soo jiitamayey ayaa haatan u muuqda mid la lafo-guray oo khilaafkii ka baxay, waxana la filayaa inay beeshu ayaamaha foodda inagu soo haya si wada jir ah shir isku timaaddo sida uu Ugaasku sheegay.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed