Ugaas Caan Ka Ahaa Koonfurka Soomaaliya Oo Geeriyooday iyo Madaxda Dowladda Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geeridiisa
Muqdisho,3Dec,2015(QJ/SDN)-Allaha u naxariistee Waxaa goordhaw Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo ahaa Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ugaaska oo ka qeyb galayay shir saaka kasocday Magaalada Baladweyne si lama filaan ah uu xanuun ugu soo booday, waxaana Ugaaska loola cararay Isbitaal halkaas uu markii dambe ku geeriyooday.
Geerida Ugasa C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa waxaa aad uga naxay qeybaha kala duwan bulshada ee ku dhaqan Magaalada Baladweyne , waxa uuna ugaaska uu ahaa nin si weyn loo xushmeeyo aadna looga jeclaa gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa tacsi ka diray geerida naxdinta leh eek u timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif
Inaa Lilaahi Wa inaa Ileehi Raajicuun