Tvga Qaranka Somaliland oo war uu sii dayey tvga HCTV uu logadii tvga ku dul qoray magaca madaxwaynaha Iyo Madaxii Wararka Telefiishanka Qaranka Oo Xilkii Laga Qaaday
Hargeysa27 Marc13 (SDN) Wafdiga madaxwaynaha Somaliland ee ku sugan dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa si rasmiya ula socda wariyaasha ka hawl gala tvga HCTV oo soo gudbinayey wararka madaxwaynaha markii Tvga qaranku ku guul daraystay inuu wararka madaxwaynaha u soo gudbiyo mujtamaca reeer Somaliland ee ku sugan daafaha Aduunka taaas ayaa waxa ay sababta in warkii madaxwaynaha ee tvga HCTV ay Talafeeshanka Qaranku ay ka soo qateen Tvga HCTV kuna qoreen logada tvga magacii madaxwaynaha taaas oo ku xad gudbay sharciyada saxafada iyada oo la filayo in agasimaha tvga HCTV u war saxafadeed ka soo saaro . Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay shaqaalaha Telefiishanka, waxaanu badalay Madaxii wararka iyo ku xigeenkiisii.
Maareeyaha tv-ga qaranka Somaliland, ayaa badalay Madaxii wararka Maxamed Xuseen Cali iyo ku xigeenkiisii Axmed Saxardiid, waxaanu madaxa wararka Telefiishanka u Magacaabay Wariye Xamse Cali Bulbul oo hore uga tirsanaa Tvga HCTV , halka ku xigeena looga dhigay Cali Caano-dhame.
Tv-ga qaranka oo hawshiisu tahay sidii uu bulshada uga soo gudbin lahaa wararka muhiimka u ah Qaranka isla-markaana masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay inuu talaabo talaabo uga waramo safarada Madaxwaynaha, ayaa aad loogu dhaliilay sida aanu u soo tabinayn safarka Madaxwaynaha ee Imaaraadka, halka Telefiishanada Madaxa-banaan, gaar ahaan Telefiishanka HCTV uu Madaxwaynaha ku wareystay Magaalada Abu Dubai ee ku sugan yahay.