|

TVGA QARANKA GOOB SALDHIG U NOQOTAY CUNSURIYAD.CAADIFAD IYO CABUDHIN

Muxuu Ka Bedeli Doonaa Wasiir Cukuse, Maxayse Filayaan Shaaqaaluhu”

Telefishanka Qaranka oo ah Telefishankii loogu Talo galay in uu u adeego Bulshada ayaa noqday Goobtii ugu horeysay ee ay ka bilaabantay dhaqamo aad u xun xun oo aan hore uga dhicin saaxada saxaafada somaliland.
Arintan ayaa ay sababtey ama timid wakhtigii koobnaa ee uu haystay maareeyaha uu madaxweyne siilaanyo usoo magacaabay.  oo aan isagu inta badan aqoon dheer  oo dhinaca saxaafada ah aan lahayn oo wakhtigiisii ugu faraha badnaa uu kusoo qaatey dalka dibadiisa.
Inkasta oo uu wax yar la shaqeeyey wargeyska madaxa banaan ee Jamhuuriya. qaybta onlinek. ayaan isagu hore usoo qaban culayska shaqada telefishanka iyo khibrad aqooneed oo aanu lahayn.
Waxaa wakhitgan Intii uu haystay maareeye khadar Cali Gaas ayaa waxaa Gudaha  Telefishanka Qaranka ka bilaabantay dhacdooyin ugub ku ah saxaafada somaliland oo uu sabab u yahay isagu waxaana kamid waxyaabaha layaabka leh ee hada ka dhacday telefishanka. Qabiil. Cabudhin. Caadifad. Iyo Cunsuriyad. oo saameyn xad dhaafa ku yeeshay shaqaalaha telefishanka ka hawl gala.
Waxaa saameyn weyn ku yeelatay shaqaalaha  kadib markii uu sameeyey kala xulasho  shalaaha ah. cabudhin cida uu doono uu eryo cid uu doonana uu dalacsiiyo
Waxaa uu sxb la noqoday qaar kamid agaasima  yaasha wasaarad warfaafinta.
waxaa laga saaray godkii hore ee uu telefishanku ku jiray iyadoo loo badeley god kale oo aad uga lacag jaban isla markii uu tvga somaliland ka baxayna waxaa galay kii somalia oo aad ugu farxay. iyadoo aad ay ugu marooro dilaaceen dadka qurbe joogta ah ee reer somaliland oo ay ku adkaatey inay si nadiifa u daawan karaan telefishank somaliland.
waxaa kirada settliteka hadda laga qaadaa telefishanka lacagtii hore  ee ii ugu jiray godkii laga bedelay badhkeed. waxaana qaybtii kale ku heshiiyey maareeyaha iyo agaasimaha waaxda farsamada oo ah ninka inta badan ay isu dhow yihiin ee isagu soo badelay qaybta settliteka,
Waxaa  amar lagu siiyey shaqaalahii wardoonka ahaa in ay nin kaliya ka amar qaataan. isla markaana lacagta ay warka ku keenayaan ay tahay $150  oo wax ka yar aan laga ogolaan karin.
waxaa dhacday in la ogolaan waayey in warar xukuumada iyo wasiiro ah la yidhaa waan i ay lacagta bixiyaan. iskaba daa wararkii bulshadee.

wararka waxaa kaliya loo diraa shaqsiyaadka ay isla ogol yihiin.  cidii kale ee iyadu u baxda suuqana waxaa lagu wargeliyaa in shaqada laga eryi doono.
lama garanayo lacagtaasi meesha ay marto bulshada laga qaadaa iyadoo ay qas nadii dawlada si dadban  u ag marto.
waxaa ka dhex bilaabmay shaqaalahii telefishanka in iyagii layska horkeeno oo ay is colaadsadaan isla markaana ay ka dhex bilaabanto  qabiil iyo caadifad  cunsuriyadeysani.
Iyadoo uu maareeyaha telefishanku ku kacay nin jeclaysi iyo qabiil.
Waxaana itii uu haystay la qoray shaqaale aad u tiro badan oo aan inta badan waxba ka qaban oo ay isku hayb yihiin. waxaana tvga qaranku lacag dhan ilaa sodon milan oo dollar uu ka qaataa xukuumada. mana jirto hal barnaamij oo bulshada manfac u leh oo ay hal habeen sameeyaan. inta badana waxaa kaliya loo adeegsadaa in loogu jawaabo mucaaridka.
waxaa dhacday in shaqaale tiro badan uu ka eryey shaqadii isagoon u marin wadadii saxda ahayd. waxaa uu kula kacaa shaqaalaha cabudhin. cadaadis aad u faro badan
oo shaqaale tiro badani ay iskaga tageen kadib markii ay u adkaysan waayeen.
Halka uu agaasimaha waaxda farsamaduna shaqadii ka joojiyey qaar kamid shaqaalaha oo aad u karti iyo aqoonba badnaa oo ka hawlgali jiray telefishanka.
Lama garanayo waxa iska bedeli doono dhibaatooyinkan is huwan ee ka jira telefishanka
oo sababi kara haddii aan wax laga qaban.
Walow madaxweyne siilaanyo uu usoo magacaabay dad la odhan karo way uga aqoon badan yihiiin dhinaca saxaafada.
oo dhawaan loosoo magacaabay wasaarada warfaafinta shaqsi in badan kusoo dhex jiray.
Balse waxay shaqaale aad u tiro badan oo ka hawlgalaa ka dhursugayaan bal waxa uu ka bedeli doon wasiirku.  oo inbadan kusoo jiray cabudhin iyo caga  jugleyn.
Allaa Mahad Leh
Ahmed OSman:

Comments are closed