|

“TV QARANKA IYO RADIO HARGEYSA waan hanti qaran oo ummadu wada leedahay, Looma baahna in laga sii daayo keliya MAXAY QABATAY TAWRADU “ Nuxurka Khudbada Gudoomiyahe Cirro

Hargaysa 04.Nov 2013 (SDN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u samaayey Lix xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo ku biiray xisbigaasi.

Munaasibada oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Hogaanka xisbigaasi, garabyada kala duwan ee dhalinyarada iyo haweenka, xildhibaanada xisbigaasi ugu jira golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo deegaanada dalka iyo marti sharaf kale.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGudoomiyaha  xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey Mudanayaasha ku biiray WADDANI, waxaanu yidhi “  waxaan halkan ku soo dhawaynayaa mudanayaal ka tirsan Golaha wakiilada oo ka mid ahaa axsaabtii Qaranka, ama ururadii siyaasadda ee Somaliland sida uu jideeyey (xeer No:14)  mudanayaasha ay xisbiyadoodu dhacay ama ururadii aan ku guulaysan doorashada waxa uu farayaa inay ku biiraan sadexda xisbi kii ay doonaan, waxa maanta munaasibada aynu halkan ugu qabanay mudanayaal markii ay ka baaraan dageen xisbiyada qaranka iyagu iskood u go,aansaday inay ka mid noqdaan xisbiga Qaranka ee WADDANI, qalbi furan iyo gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa mudanayaashaas.

Bismilaahi raxmaani raxiim wa salalaahu calayhi wa salaam

madaxda xisbiga WADDANI ee heer Qaran, Gobol iyo Degmo

taageerayaasha Xisbiga WADDANI,mudanyaasha labada Gole Wakiilada iyo Guurtida Marti sharafta iyo saxaafadda  SALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKAATUHU

Maanta munaasabadan waxa loo qabtay Shan (5) mudane  oo tirsan Golaha Wakiilada JSL kana tirsanaan jiray axsaab kale ama ururo siyaasadeed iskoodna u go,aansaday inay ka mid noqdaan XISBIGA WADDANI iyaga oo tixgeliyey xeer Lr  14/2012 oo jideeyey in mudanyaasha ka tirsanaa ururada ama axsaabta siyaasadeed  een ku guulysan doorashada Golaha deegaanka ku biiraan saddexda Xisbi qaran ee soo baxa .

Marka hore anniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga  WADDANI iyo taageerayaashiisa waxaan gacmo iyo qalbi furan ku soo dhaweynayaa mudanayaasha kala ah

1. Abdirahman Mohamed Jama

2. Ibrahim Jaamac Cali Rayte

3. Muj Adan MUXUMED  Hoori Allamagan (Mataan)

4. Abdulqaadir Jibiril Tukaale

5. Siciid Warsame Ismail GAANI

 

Waxa Xisbiga farxad aan la qiyaasi Karin u ah ku soo biirista mudanyaashan lixda ah. Arrinta aan xusayaa waxa weeye inayna ahayn lix shakhsi ee ay yihiin mudanyaal ka wakiil bulsho badan oo tiro badan oon kalsoon weyn ku qabno ku soo inay kordhin doonaan taageeraayasha Xisbiga WADDANI ee gobolada iyo degmooyinka dalka. Munaasabadani waxay kale oo tilmaan u tahay koritaanka taageerada shacbiga Somaliland ee Xisbiga WADDANI.

Mudanyaashani maanta waxay ka mid yihiin madaxda Xisbiga WADDANI. Dhaamaatoodna waxay maanta ka mid noqdeen GOLAHA DHEXE ee xisbiga WADDANI.

 

Waxaan ka war qabnaa in Xisbiga Qaran ee KULMIYE iclaamiyey qabashada Shirweynihiisa 3aad.  Axsaabtu waan hanti Qaran, waxaan aamisanahay in ay danta qaranku ku jirto inaan helo saddex Xisbi oo kora. Waxaan u rajeynaynaa in shirkoodu nabad gelyo iyo guul ku dhamaado.

Xisbiga WADDANI waxa uu taagersan yahay sii wadista wadahadal Somalia iyo Somaliland si looga midho dhaliyo himalada shacbiga oo ah in la helo qaran madax banaan oo ka mid mujtamaca dawliga. Waxaan kula talineynaa xukuumadda inay shacbiga uga xog waranto marxalda uu marayo wadahadalku iyo natiijooyinka ka soo baxa.

TV QARANKA IYO RADIO HARGEYSA waan hanti qaran oo ummadu wada leedahay. Looma baahna in laga sii daayo keliya MAXAY QABATAY TAWRADU. waxa loo baahan yahay in laga sii daayo warar miisaaman oo dhex dhexaad ah. Axsaabtu qaranka ee mucaaridka ahi waxbay ku leedahay, yey noqon TVga qaranka iyo radio hareysa godod abeeso oo axsaabta mucaaridka ah laga qaniino.

 

Markii labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI Hotel Ambassador heshiiska wada shaqeynta ku kala saxeexdeen waxaan kaftan ahaan ugu soo jeediyey MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA inay labada Xisbiga buuxinayaan doorkii mucaaridka xilkiina laga furtay. In kasta oo aanay hayn Golaha sharci ah ama xisbi siyaasi ah, hadana MADASHA waxa  isugu tagay siyaasin caan ah, Mujaahidiin, iyo aqoon yahan aad wada taqaaniin. Dhawaan waxay ku dhawaaqeen inay axsaabta mucaaridku ku wareejinayaan qabashada doodihii qaran ay rabeen inay qabtaan.

Marka hore waxaan MADASHA ku bogaadinayaa inay qabashasa doodahaas iyaga oo ixtiraamaya dastuurka iyo shuruucda dalka ku soo celiyaan weelal sharci. Waxaan kale oo qabnaa in Axsaabta mucaaridka ah ee UCID iyo WDDANI aqbalaan suurto gelinta  (facilitation)doodahaas Xisbiga WADDANINA wuu aqbalay soo jeedintaas. Waxaan kale oo qabnaa inaanay arrintaas gaar u hayn axsaabta mucaaridka ah oo KELIYA ee loo baahan yahay in ay ka soo qayb galaan Xisbul xaakimka KULMIYE, Xukuumadda, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada iyo qaybaha kale bulshadu.

Xisbi ahaan arrintaan waxaan u saari doonaa guddi gaar ah. Maxaa laga doodayaa, waqti maa la qabanayaa arrimahaas waxaa gorfeyn doonaa guddiyo farsamo.  Gudidaasi waxay kala yihiin

1. Md Maxamed Cabdilaahi uurcadde

2. Dr Mohamed Osman Fadal

3. Xildhibaan Baar Siciid Faarax

4. Md Xasan Xuseen Faarax

5. Md Ibrahim Jaamac Cali Rayte

Barnaamijka siyaasiga ah ee WADDANI waxa u horeeya in la dkeeyo amniga qaranka oo dhidibada loo taago waxaan ku xiga horumarinta dalka. Xisbiga WADDANI waxa uu taageersan yahay dhamaan mashaariicda horumarineed ee dalka laga hirgelinayo qaybaha kala duwan ee adeega bulshada. WADDANI waa xisbiga horumarinta, waxaana u qorsheysan in uu sameeyo is bedel weyn oo horumarineed. Maadaama Gobolka sanaag yahay Gobolka ugu dhulka weyn uguna durugsan Waxaan si gaar ugu baaqayaa in taageerayaasha WADDANI ka qayb qaataan dhismaha wada Ceerigaabo BURCO iyo dhamaan mashaariicda kale ee horumarineed sidii aan awalba uga qayb qaadan jiray.

Xisbiga WADDANI si buuxa a taagersanahay in la kordhiyo saamiga golayaasha ee haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada ee doorasho toos ah ku soo bixi karin

Xisbiga WADDANI waxa uu kala shaqeynayaa Gudidda Doorashooyinka Qaranka, Xisbiyada qaranka ee UCID iyo KULMIYE, Akaademiyada nabadda iyo horumarka iyo xukuumadda sidii loo suuro gelin lahaa in doorashooyinka ku qabsoomaan waqtigii loo qoondeeyey oo ah 2015 waxaana arrintan tiir dhexaad u ah qabashada ama sameynta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. Ilaa hadda waxa la qabtay talaabooyin muhiim ah.

Waxaan u mahad naqaynaa axsaabta qaranka GDQ, Akaademiyada iyo xukuumadda sida wadajirka  ah ee loo gudo galay arrintaas.

Waxaan ku talinaynaa inaan laga  feejignaado talaaba kasta oo carqalad ama dib dhac ku keeni karta sameynta diiwaan gelinta codbixiyayaasha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed