Tuunisiya: Baar Lagu Caweeyo Oo La Xidhay Markii Laga Shiday Aadaanka Salaadda
Tunis 06. April 2017 (SDN/QJ):- Baar ku yaalla Tunisiya ayaa albaabada loo laabay ka dib markii la arkay muuqaal muujinaya aadaan loo shiday dad qoob ka ciyaar ciyaara, sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen.
Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taaalla waqooyiga bari ee dalka Tuniisiya ayaa la soo bandhigay Axaddii, dad badan oo ka cadhooday arrintaas ayaana dareenkooda ku soo gudbiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan.
Gafarnatooraha Nabeul, Mnaouar Ouertani ayaa sheegay in baarku uu sii xidhnaan doono ilaa iyo amar dambe, waxaana la bilaabay baadhitaanka Arrintaasi.
Muuqaalka la helay ayaa muujinaya dad baar jooga oo qoob ka ciyaar ciyaaraya, kuwaas oo ay muusik u shidayaan labo ruux oo reer galbeed ah, halkaas oo u dhaw goobta loo tamashle tago ee Hammamet oo xeebta agteeda ah.
Muusikada ayaa lagu daray aadaanka salaadda.
Ouertani ayaa sheegay in markii ay dhacdadaas xaqiijiyeen ay go’aansadeen in ay albaabada u laabaan baarka.
Wuxuu intaas ku daray in ay xabsiga la dhigay maamulihii baarka wuxuuna sheegay in baadhitaanno ay socdaan.
Qoladii soo abaabushay ayaa raaligalin soo galiyay facebook, laakiin waxay sheegeen in ayna qaadaynin masuuliyadda Shiddida muusiggii dhib keenaya.
Qofkii shiday ayaa raaligalin bixiyay wuxuuna sheegay in aanu marnaba uga gol lahayn in uu qof ku xumeeyo.