|

Tuulada Maraagga, Deegaan ka arradan adeegyada aas’asiga Ah ee bulshada iyo doorka waxqabadka ee hay’adda SAFE

Maraaga Sept 16,2012(SDN)-Waxaan  safar shaqo ugu baxay deegaanka la yidhaaho Maraagga oo ka tirsan Degmada Faraweyne ee koonfur galbeed Hargeysa una jirta illaa 50km  magaalada Hargeysa

Saacadu markay ahayd 8:30am subaxnimo  ayaanu ka ambo baxnay  magaalada hargeisa anaga oo uga amba  baxnay  wadada galbeed uga  uga kacda  magaalada hargeisa

Waxaanu koonfur uga weecanay magaalada abaarso intaan dhexda sii soconay waxay indhahaygu qabanayeen  meelo ama dhijaamo ay biyo fadhiyaan wallow aanu roobku ku badnayn, dadkuna ay noo sheegayeen inay jirto abaari, mararka qaarna ay ishaydu qabanaysay dad dhinaca bari u guuraya oo geedi ah. Waxaa safarkan shaqo igu wehelinayay Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim oo ah masuul katirsan hayada SAFE (Mutadawac), Maxamed Farax Yuusuf, Xidhiidhiyaha Dugsiga Maraagga iyo Xasan Axmed Yuusuf oo ka tirsan Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha Somalilandee Magaalada Hargeysa .

intaanu dhexda sii soconay waxannu sii  marnay deegaannada Dhaboolaq  oo ku taala doox layna sheegay inuu yahay dooxa Hargeisa sooo mara , Gadh-yogol,  Daymoxun iyo Lafta-faraweyne oo u dhaw Maraagga aannu ku soconnay

safardheer ka dib gaadhigii aanu saarnayn oo ahaa land Cruiser vx  ayaanu ka dagnay anaga oo markiiba tuulada hore ugalnay  markiiba waxay indhahaygu qabteen tuulada iyo dhisme yaasheeda oo ah cariish (qoryo iyo ciid guri laga sameeyay )waxa tuulada dhinaceeda bari ku yaala dhaam taso ay iisheegeen in muwaadin deegaanka udhashay ka hirgeliyey tuulada aadna loogu diirsaday  sidoo kale tuulada waxa ka Ag dhow dhow beero  laysheegay inay ka bacdo arabikhi sidoo kale tuuladu waxay leedahay mishiinka ridqa hadhuudhka iina sheeegeen in waqti ay usoo goaan beeruhu  ay isticmaalaan

hay’adda SAFE ayaa ka hirgelinaysa  mashruuc   dugsi hoose oo degmadu yeelato iyadoo aan muddo dheer adeeg waxbarasho rasmi ah lahayn, Waa deegaan ka arradan dhammaan adeegyada aas’aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, biyaha, caafimaadka iwm.  Maraaggu waa tuulo ka kooban makhaayado yaryar balse waxa ku xeeran bulsho beeralay iyo xoola dhaqato ah oo ballaadhan sida ay ii sheegeen odayaasha tuulada  oo uu ku jiro Guddoomiyaha tuulada Maraaggu.

Head  tuulaha Maraagga Xaashi Aw Axmed oo  aan nasiib wanaag kula kulmay gudaha tuulada naguna soo dhaweeyay halkaas ayaa iga waramay baahiyaha aasaasiga ah ee tuulada  taala gaar haan xaga waxbarashada  waxaanu gudoomiyuhu ku dheeraday  baahida taala degmada iyo sida ay caruurta deegaaankan ku dhaqani ay ugu baahan yihiin waxbarasho mar  aan  wax kawaydiiyey  xaga caafimaadka gudoomiyuhu wuxuu iisheegay  in tuulada sidoo kale  aanu kajirin mch ama pharmacy taaso iyaduna  ku tusinaysa dhibaatada  caafimad ee ka jirta deegaankaas gaar ahaan tuulada maraaga.

Head tuulaha   Xaashi Aw  Axmed  mar aan wax kawaydiiyey xaga biyaha waxa uu iisheegay in ay biyaha ka dhaansadaan berkado iyo weliba bali kuyaala tuulaha agtiisa baahi biyoodse oo badanina aanay kaijirin mararka qaarna ay kasoo dhaansadaan degmada lafta fara weyne oo udhow tuuladooda

Mr xaashi waxa uu unahad celiyey hayada SAFE taaso fulinaysa mashruuca loogu dhisaayo dugsigan ay yeelanayso tuulada Maraaggu isagoo sheegay inay muddo dheer u oomanaayeen bulshada Maraaggu inay helaan dugsi waxbarasho ay si fudud carruurtu u gaadhayso. “Aad baannu ugu mahadcelinaynaa hay’adda SAFE iyo dhammaan cidda ka qaybgashay dhismaha dugsigan waayo waxa noogu dhaw dugsi waa Lafta-faraweyne oo halkan aan joogo shan kilo meter u jira bulshada badankeeduna bari iyo koonfur iyo woqooyiba innaga xigaan markaana muddo dheer ayaannu u baahnayn inaanu dugsigan hello oo aannu dawladda iyo cid walba kala hadallay” ayuu yidhi Xaashi.  Ugu dambayntiina wuxuu ugu baaqay hayadaha dawlada qurba joogta deegaanka iyo waliba cidkastoo reerSomalilandinay waxka qabtaan baahiyaha waxbarasho iyo caafimaad ee yaala degmada maraaga kana qayb qataan horumarka degmada

Sidoo kale,  Maxamed Faarax Yuusuf  oo ah Xidhiidhiyaha dhismaha dugsigan ee SAFE la shaqeeya ayaa isna noo sheegay inay u mahadcelinayaan hay’addan oo yidhi waa waxqabad ku yimi dadaal ay ka masuul tahay SAFE yo gaar ahaan Guddoomiyaha hay’adda oo la yidhaaho Hodan Guuleed oo ka mid ah Qurba Joogga dalka Maraykanka eeSomaliland. Waxa kale oo uu Maxamed  noo sheegay inay hay’adda SAFE dugsi noocan ah ka dhisayso meelo kala duwan oo dalka ah tusaale deegaanka Harcadaad oo uu immika ka socdo ayuu sheegay.   Wuxu ugu baaqay Maxamed bulshada deegaanka Maraagga iyo guud ahaan Faraweyne inay ka soo qaybqaataan dhismaha degmada iyagoo ayuu yidhi doorka ay ku leeyihiin waxqabsiga bulshada uu dambeeyo iyo inay ka qaybqaataan dadaalladan oo kale ama wax ku darsadaan.  Ugu dambayntiina wuxu u mahadceliyay Cumar Maxamed Yay oo ah Ganacsade ka soo jeeda Maraagga oo  isagu u muujiyay  mutadawacnimo iyo dareen wadaniyeed mudadii ay shaqadani socotay iyo muwaadin Qurba Joog ah ayuu yidhi oo isago ku tabarucay inuu sanandkii hore si waqfi ah u qodo balli weyn oo deegaanku immika ka cabbo kaasoo ah adeegga kaliya ee biyo ee tuulada Maraagga ama deegaankeedu haystaan iyagoo barkadaha ugu dhaw ee Lafta Faraweyne ay lacag yihiin ayuu yidhi.

Isku soo wada duuboo hadaba safarkan maanta aan ubaxay wuxuu ahaa mid aan ugu kuur galayo deegan kamid ah deegaamada dalkeenaSomalilandkaaso ay ka jirto baahi adeegyada aasaasiga ah loona bahanyahay in loo soo bandhigo dadweynaha iyo qarankaba

Faahfaahin dheeraada oo ku saabsan hay’adda SAFE, fadlan guji cinwaannadan:

http://www.safeeducation.org or contact: hguled@safeeducation.org

http://www.ambassadorjohnprice.com/

http://p.washingtontimes.com/news/2012/mar/14/somalias-children-schooled-in-guns/

The full Story: http://p.washingtontimes.com/news/2012/mar/14/somalias-children-schooled-in-guns/

by Cabdiwali  Yousuf  Maxamuud, slntv reporter, 0025224262454

Comments are closed