|

Turkiga:Saamayn Taban oo Amarkii Madaxweyne Ordugan Ku Yeeshay Ardayda Somaliyeed ee dalkaasi Wax ka barata DAAWO

Istanbuul 25.July 2016 (SDN/QJ):- Boqolaal ka mid ah ardayda Soomaalida ee waxbarashada u jooga waddanka Turkiga ayaa waxa saamayn weyn ku yeelatay go’aanka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga Ordugan, kaasi oo Sabtidii Dorraad amar ku bixiyay in la xidho goobo waxbarasho oo sida la sheegay xidhiidh la leh waddaadka uu maamulka Turkigu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay laba toddobaad ka hor ee Fathullah Gullen.

Inqilaabkii Turkiga Iyo Midabadii GuushaWaxaana amarkani kasoo baxay xafiiska madaxweyne Ordugan iridaha loogu laabay Hay’addo gaadhaya 2,341 oo ay ku jiraan iskuulo, jaamacaddo iyo Cusbitaalo.

Amarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee madaxweyne Ordugan uu u cuskado xaaladda deg-dega ah ee toddobaadkan lagu soo rogay dalka Turkiga kaasi oo socon doona muddo saddex bilood ah. Iskuullada iyo jaamacadaha la xidhay ayaa ka mid ah kuwo ardayda Soomaalida ahi ee waxbarashada u jooga waddankaasi dhigan jireen, iyadoo dowladda Turkigu dhamaan goobahan waxbarasho ee ay xidhay la xidhiidhiisay dhaqdhaqaaqa uu hoggaamiyo waddaadka Fathullah Gullen oo isagu ku nool waddabka Maraykanka.

 

Dhinaca kale dowladda uu hoggaamiyo Ordugan ayaa Sabatii Dorraad waxay gacanta ku dhigtay ninkii isagu gacan yaraha u ahaa waddaadkan oo lagu magacaabo Halis Hancun, kaas oo sida la sheegay dalka Turkiga soo galay laba maalmood kahor inqilaabkii dhicisoobay ee 15-kii bishan aynu ku jirno ka dhacay waddankaasi, waxaana sidoo kale hawlgalkan lagu qabtay wiil uu adeer u yahay Fathullah Gullen oo isna lagu magacaabo Muxamed saciid Gulen.

Comments are closed