Turkiga oo Xidhay Xudduuda uu la Wadaago Dalka Suuriya iyo Qaxoonti tiro badan oo Meel ay u Ciirsadaan garan la’a
Xalab 7. February,2016(SDN/QJ):–Qaxootiga suuriya ee ka cararaya magaalada xalab ayaa weli ku go’doonsan xuduuda dalka Turkiga ka dib markii ay Ankara xidhatay xuduudeeda maalintii shalay.
Qiyaastii 35.000 oo suuriyaan ah oo ku barokacay duulaanka adag ee ay ciidamada bashaar Al-Asad oo taageero ka helaya Duqaynta diyaaradaha ruushku ku hayaan magaalada Xalab kuwaas oo tuban xuduuda Turkiga oo ay ku haysato duruuf adag oo nololeed, dhibaato xoogana kala kulamy cimilada qabow ee halkaasi ka jirta xiligan.
Waxa jirta cabsi dheeraad ah oo laga qabo in todobaatameeyo kun oo kale oo qaxooti suuriyaan ahi ay ay guryahooda ka cararaan hadii aan la joojin duqaymada dhanka cirka ee Ruushku ku hayaan Magaaladaasi Xalab.
Xalab SDN/QJ