|

Turkiga Oo Xayiraaddii Ka Qaaday Lacago Malaayin dollar ah Oo Uu Bilkasta Siin Jirey Dawladda Somalia

Ankara:Oct,12,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Turkiga, ayaa fasaxday oo soo daysay lacagihiii caddaanka ahaa ee Sida Billaha ah u siin jirtey dhiggeeda somalia, taas oo lagu kabi jirey Miisaaniyadda Dawladda.

doleTurkiga, ayaa bil kasta dowladda Soomaaliya siin jiray adduun lacageed oo gaadhaya $4.5 milyan oo dollarka Mareykanka, waxaana lacagahaan la hakiyay bishii December ee sanadkii 2013, markii la ogaaday inay Meelo qaldan ku dhacaan oo  la gacan-bidixeeyey.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, bishan October, waxay dowladda Turkiga dib u bilowday bixinta lacagahaasi, iyadoo markaliya isku bixisay 10-kii bilood ee sanadkaan 2014, oo gaadhaaya  $45 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Sacuudiga ayaa bishan Soomaaliya siiyay lacagihii Zakaawaatka oo qeyb ka ah sadaqada sanad kasta uu bixin jiray, wuxuuna sanadkan ugu tabarucay in wax looga qabto arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo amniga ee Soomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed