|

Turkiga oo wadahadalsiinaya Soomalaiya iyo Itoobiya

Muqdisho June 30, 2024(QJ)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga si uu uga qeyb galo wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ay dhexdhexaadineyso dowladda Turkiga.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’da ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Turkiga ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya ilaa Itoobiya ay ka laabato heshiiska dhinaca badda ee ay la gashay maamulka Somaliland.
Soomaaliya ayaa u qabatay Itoobiya ilaa dhamaadka bisha June inay ka baxdo heshiiska badda. Haddii Itoobiya ay u hoggaansami weydo, Soomaaliya waxay sheegtay inay si degdeg ah ciidamadeeda gala saari doonto dalka.

Comments are closed