|

Turkiga oo todobaad gudihii Soomaaliya uga qodaya 100 ceel

Muqdisho Dec 29,2011(qurbejoog.com)-Wakaalada Biyaha ee dalka Turkiga ayaa shaacisay in ay dalka ka qodi doonto 100 ceel oo laga waraabiyo Soomaalida biyo la’aantu ku heyso guddaha Soomaaliya.

Ceelashan biyaha ayaa durba qodidooda laga bilaabay xerada teendhooyinka ah ee Muqdisho ay Turkigu ka dhiseen.

Qalab culus oo qoditaanka loo isticmaalayo ayaa dalka la keenay,mashruucan lagu qodayo 100 ceel ayaa lagu wada in uu qaato todobaad qudha.

Celashan oo dhererkoodu noqon doono ilaa 100 meter ayaa noqon doona qaar aad loogu diirsado.

Waxaaney gacan ka geysan doonaan la tacaalida cudurada biyaha ka dhasha ee sida ba’an ugu faafa xeryaha qaxootiga.

Ma cada halka iyo degaanada 100kan ceel Turkigu ka qodi doon.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed