Turkiga Oo Somalia La Saxeexday Heshiis Qiimo Badan Ku Fadhiya oo Dhinaca Militariga ah
Muqdisho:28-Feb-2014 (SDN)-Dawladda Dalka Turkiga ayaa Maalintii Shalay Heshiis La Xidhiidha Dhinaca Militariga la Saxeexatay Dawladda Federalka Somalia.
Heshiiskan ayaa la Sheegayaa inuu Turkigu ku Ogaaladaay inuu Tababarro kala Duwan siiyo Ciidamada Militariga Somalia, isla-markaana uu Si weyn u Dhisi Doono Xarumaha Ciidamadii Militariga Somalia oo Ku Burburay Dagaaladii Sokeeye Ee Dalka Ka Dhacay.
Heshiiskan ayaa waxa Dhinaca Somalia u Saxeexay Taliyaha Ciidamada Militariga Somalia General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo khubaro kale oo Militari oo Ka Tirsan Dawladda Federalka ah.
“Sidda ku qoran heshiiska, Turkiga wuxuu si buuxda u dhisi doonaa xarumaha ciidamada ee Soomaaliya ku yaalla, Tallaabadan oo qayb ka ah Barnaamijyo ballaadhan oo lagu caawinaayo ciidamada Millitariga Soomaaliya,” Gen Indho-Qarshe ayaa siddaas u sheegay Warbaahinta.
Waxa kale oo uu Gen Daahir Aadan Cimi in Khubaro ka socday millitariga Soomaaliya iyo Turkiga ay ku tababbarri doonaan ciidamada dowladda gudaha dalka, isagoonta in ay soo dhammaan doonto ciidamo dibedda lagu soo tababbarro.
“Heshiisan fursad weyn u yahay ciidamada Soomaaliya. Haddii ay ahaan lahayd, Tayo, Awood iyo Khibrad waxaan u mahad celineynaa Turkiga, Dowladda Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaasoo sii wada taageerada ay na siinayaan,”ayuu yidhi Gen Indho-Qarshe.
Madaxa ugu sareeya Turkiga waaxda gaashandhigga, General Hamdi Arguu, ayaa soo bandhigay qorsha ay damacsan yihiim, isagoo Carrabkaku Dhuftay In goobaha ay Dhisayaan ay ku Jirto Xerada Hiilweyne oo Saldhig u noqon doonto Tababarrada ay Bixin doonaan mustaqbalka dhaw.
Sidda laga soo xigtay General Hamdi Arguu, in ka badan 40-khubaro millitari oo ka socda Turkiga ayaa Soomaaliya tagi doona iyagoona tababbar siin doona xubno ka tirsan ciidamada Cirka, Dhulka iyo Kuwa Badda.
Tallaabadan cusub ee La xidhiidha Heshiiskan ayaa waxa si weyn ula Socda Shacabka Somaliyeed, iyadoo Xukuumadduna si weyn ugu Faraxsan Tahay, isla-markaana ay Ka Go’an Tahay sidii looga Gun gaadhi lahaa Heshiiskaas.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com