Turkiga oo Samato bixiyay Muwaadiniin ay Kooxda Daacish ka Haysatay SAWIRO
Ankara 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Daraasiin lahaystaal ah oo ay afduub u haysteen Islaamiyiinta (IS), kuwaas oo kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa maanta dib uhelay xoriyadoodii iyagoo dib ugu laabtay dalkoodii hooyo.
Dadkaan oo tiro ahaan gaarayay 49 qof ayaa ku qeylinayay astaanka calanka waxyar kadib markii ay gareen koonfurta dalkaas.
Reysal wasaarahaTurkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay hay’addooda sirdoonka inay hogaaminaysay howgalka dib usoo celinta.
Dadkaan u dhashay Turkiga ayaa la qafaashay kadib markii Islaamiyiinta mayalka adag ay si deg deg ah kula wareegeen magaalada Mosul bishii june ee lasoo dhaafay.
Turkiga ayaa diiday inuu si rasmi ah ugu lug yeesho howlgalka Maleteri ee ka dhanka ah islaamiyiinta IS sababo la xiriiray cabsi uu qabay in lalaayo dadka afduubka looga haystay.
49 qof waxay ahaayeen shaqaalaha qunsilyada Turkiga uu ku lahaa Mosul. 46 ayaa ahaa Turkish halka saddex kalena ay yihiin saraakiil Iraqiyiin ah. Waxayna isugu jireen diblumaasiyiin, shaqaale, caruur iyo ciidamo qaas ah oo boolis ah.
Mr Davutoglu wuxuu sheegay soo daynta dadkooda inay u tahay war farxad leh.
“Subaxnimadii hore ee sabtida muwaadiniinteena ayaa nalagusoo wareejiyay waxaana dib ugusoo celinay dalkeena,” ayuu yiri reysal wasaaruhu.
Dowlada ayaa sheegtay in dhammaan caafimaadkoodu wanaagsan yahay dadkaan lagasoo siidaayay gacanta IS.
Ankara SDN/QJ
contact@qurbejoog.com