|

Turkiga oo qirtay khasaare nafeed oo kasoo gaadhay qaraxii lala eegtay Xarunta uu ka Degen yahay Magaalada Muqdisho

quulAnkara:28-july-2013 (SDN) Sida ay qortay wakaalada wararka dalka Turkiga Anadole , dowladda Turkiga ayaa si wayn u cambaaraysay weerarkii lagu qaaday xaruntooda Muqdisho oo khasaare loogu geystay.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Axmed Da’uud Oglo ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay mid ka mid ah askar waardiyeynaysay xarunta halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu wasiirku tacsi u diray ehelada askariga dhintay, wuxuna u rajeeyay caafimad qab kuwa dhaawacmay sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibedda Turkiga.

Sidoo kale waxaa weerarkaas cambaareeyay danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay fal waxash nimo ah, balse waxa uuu sheegay inaanay  u dhimi doonin howlaha gargaarka  ah ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee  waxa weerarkaas kaddib aad loo adkeeyay xarumaha Turkigu uu ku lee yahay magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan weeraro kale oo hor lihi.

Waxaana la arkayay ciidamo badan oo Turki ah oo tan iyo xaley  si adag u waardiyeynayey xarumaha ay deggan yihiin shaqaalaha iyo samafalayaasha Turkiga ee Muqdisho ku sugan.

Weerarkii shaley waxaa sheegatay masuuliyadeeda kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, waxana uu ahaa mid daliil u ah inay kooxdani wai awood ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho.

Somalidiasporanews.com

Mugdisho Somalia.

Comments are closed