Turkiga Oo Ogoladay In Maraykanku Inu Isticmalo Xarumahisa Malatari Sido kalena Uu Maraykanku Saldhigyada Turkiga Tababar Ku Siiyo Qunyar Socodka Syriyanka Ah Ee La dagalama Ururka Dacish
Hargeisa 13/oc/2014(SDN/QJ)La taliyaha Mareykanka ee dhinaca amaanka Susan Rice ayaa sheegtay in labada dhinac ay heshiis ka gaareen arrintaas isla markaana wixii hadda ka dambeeya Mareykanka uu adeegsan doono fariisimaha milateri ee ku yaalla Turkiga.
Waxay intaas ku dartay in Mareykanka uu sidoo kale fariisimahas ku tabbabari doono dagaalyahano qunyar socod ah oo reer Syria si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish.
Turkiga ayaa dhowaan si rasmi ah u aqbalay in uu ku biiro duqeymaha lagu qaadayo kooxda Daacish oo kusii xoogeysanaysa wadamada Ciraaq iyo Suuriya.
Maalmihii lasoo dhaafay xuduuda Turkiga iyo Syria waxaa ka socday dagaal xoogan oo ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan daacish kuwaas oo qabsaday meelo muhiim ah.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com