Turkiga oo Gargaar Gaarsiisay Jabuuti
Jabuuti July 29,2012(SDN)-Madaxa hay’adahorumarinta ee dalka Turki ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Jamhuuriyada Jabuuti sida ay daabacday jariirada La Nation ee ka soo baxda dalka Jabuuti.
Wasiirka arrimaha Guddaha ee dalka Jabuuti Xasan Hafane oo qaabilay madaxa hayada Horumarinta Turki Serhat Kucukkurt ayaa uga mahadceliyay gargaar hore ay Turkigu Jabuuti ugu soo direen.
Madaxa hayada horumarinta ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu Jabuuti gaarsiiyay 2,000 oo Ton oo raashin ah,si gacan loo siiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.
Sidoo kale Turkiga ayaa tababaro u fidinaya saraakiisha ciidamada Booliska ee dalka Jabuuti,tababarka ayaa ku taxaluqa la tacaalida masiibooyinka.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com