|

Turkiga oo Dhisaya Waddada Saylac iyo Lawya cado

Saylac 05.July 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday dhismaha waddada u dhaxeysa magaalooyinka Seylac iyo Lowyacadde ee gobolka Awdal.

Turkiga oo dhisaya WadadaMagaalooyinka Seylac iyo Lowyacadde ayaa isu jira 40 KM.

Guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee degmada Seylac, Sacad Daahir Cige  ayaa sheegay in dhismaha waddadan ay muhiim u tahay qeybaha bulshada.

Wuxuu tilmaamay in qubarro ka socotay dowladda Turkiga ay cabbireen waddada, islamarkaana ay ballan qaadeen in bilaha soo socda ay billaabi doonaan dhismaha.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo uu Alle wax siiyay inay kaalmeeyaan dadka danyarta ah ee ku dhibaateesan degmada Seylac, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee  Ramadaan.

Saylac SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed