Turkiga Oo Dagaal Internet-Ka Ah Ku Qaaday Holland, Xayirayna Mid Ka Mid Ah Madaarada Dalkaasi !
Istanbul 14. March 2017 (SDN/QJ):- Waayadan danbe waxa aad u badan Dagaalka dhinaca Tiknoolajiyada ee ka dhex jira guud ahaan waddamada Adduunka iyada oo Dawlad kastaa ay ilaashato arrimaheeda u gaarka ah ee la xidhiidha Dhinaca ammaanka.
Haddaba, Barta Internet-ka ee u gaarka ah Gegida Diyaaradaha ee Rotterdam ee Dalka Holland ayaa waxa lagu soo qaaday weerar kadib markii Hacker’s kasoo jeeda Dalka Turkiga ay maalintii shalay ahayd ay ku guuleysteen in ay shaqada ka joojiyaan bartaasi sida lagu soo bandhigay shabakada Wararka ee Dalkaasi Holland ee loo yaqaan Wnl. Budhcada arrintan fulisay ayaa waxay ku sheegeen “Si aanay Wasiiradayadu uga degin halkaasi diyaaradaha kalena aanay uga kicin”.
Arrintan ayaa ka dhalatay khilaaf Diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay labada Dal ee Turkiga iyo Holland, kadib markii Wasiiro ka tirsan Xukuumada Turkiga loo diiday inay caga dhigtaan amase galaan Dalkaasi Holland.
Ra’iisal Wasaaraha Dalka Holland Mark Rutte oo la hadlay Shabakada wararka ee Wnl ayaa waxa uu yidhi “Khilaafka Diblomaasiyadeed ee naga dhexeeya Dalka Turkiga waa mid ugub ah horrena umay dhicin in khilaaf Diblomaasiyadeed na dhex maro, si kastaba ha ahaatee khilaafkaasi marnaba ma habboona in wanaaga iyo Xikmada laga tagaa”.
Khilaafka Diblomaasiyadeed ee ka dhex Aloosan labadan Dal ayaa waxa maalmahan danbe aad looga hadal hayaa guud ahaan Caalamka, balse madaxda Dalkaasi Turkiga ayaan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin Diidmo lagula kacay Madax ka mid xukuumada Dalkaasi.