Turkiga Oo Beeniyey Inuu Lacagtii Caawimada ahayd Ka Jaray Somalia, Faahfaahinna ka Bixiyey Hannaankii uu Lacagtaas Ku Bixin Jirey
Stanbul:17-Feb-2014(SDN)-Dawladda Turkiga ayaa Ka Hadashay Warar Saxaafaddu Qoraysay oo la Xidhiidhay inay Goosatay Lacago Caawimo ah oo ay Sanad Walba siin jirtey Dawladda Federalka Somalia.
Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa beenisay inay jartay lacag kaash ah oo ay Dawladda Somalia siin jirtey, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters,iyadoo xustay in si Qalad ah loo Turjuntay warkaas.
“Waxa aan ka shaqeyneynaa qorshe aan ku caawineyno dowladda Somalia sanadkan 2014, taasi oo qeyb ka ah, taageerada aan la garab taagannahay dowladda Somalia” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, oo warbaahintu heshay.
“Ayada oo la tix-gelinayo codsiga madaxweynaha Somalia, ayaa intii u dhaxeysay bilihii June iyo December ee 2013, waxaa lacag kaash oo bille ah uu dalkeena ku taageeray Somalia, si aan tabarucaad uga geysanno baahida dhinaca miisaaniyadda ee dowladda Somalia” ayaa sidoo kale lagu yidhi qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.
Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa sheegtay in si qalad ah loo tarjumay hadal horee uga soo baxay, oo wakaaladda wararka Reuters ay faafisay, kaasi oo ku saabsanaa caawimaadeeda Somalia.
“Maadaama Somalia uusan ka jirin hannaan banki oo shaqeeya, waxaan lacagta u marsiin jirnay safaaraddeena Muqdisho, oo kaash ahaan usiin jirtay dowladda Somalia” ayay tidhi wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.
“Ayada oo ay qeyb ka tahay taageerada buuxda ee aan siinno Somalia, waxaan wadnaa dadaallo aan taageero miisaaniyadeed ku siineyno dowladda federaalka ah ee Somalia sanadkan 2014”. Ayaa Lagu Yidhi Bayaanka wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Warkan ayaa farxad weyn u ah Dawladda Xasan sheekh Maxamuud oo ka Naxday warka hore ee Reuters ay Baahisay, wase Cusub Hannaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga Sheegtay inay Lacagta ku Bixin jirtey oo ah mid kaash ahaa, iyadoo taasi Shaki Badan ku Dhex Abuurtay Shacabka Soomaaliyeed, maadaama lacagtaas Kaashka ah si Fudud loo lunsan karo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com