|

Turkiga oo Abaabulaya Shir ay Waddamada Islaamku ka Yeeshaan Gumaadka Lagu hayo Qoomiyada Rohinga ee Dalka Myanmar

Istanbul 05. September 2017 (SDN/QJ):- Dawlada dalkaasi Turkey-ga ayaa shaacisay shir ay u qabanayso waddamada Islaamka ah, kaas oo lagaga arrinsan doono  xasuuqa iyo barakicinta  loo geysanaayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool wadanka  Myanmar ama Burma .

Waxaana shirkaasi ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi  Turkey-ga Mevlut Cavusoglu , isaga oo wasiirku sheegay  in ay shirkaasi u qabanayaan si ay uga arrinsadaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo dadka Rohinga-ha ee dalkaasi Barma ku nool.

 

wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey-gu waxa uu intaasi ku daray  in dawladiisu diyaar u tahay  sidii ay u bad baadin lahayd dadka ka cararaaya dhibaatada xasuuq ee  ay dadkaasi u geysanayaan maleeshiyooyinka Budhisamka iyo ciidamada dawlada Barma.

Ciidamada dawlada iyo maleeshiyaadkaasi ayaa si gaar ah xasuuq ba’an iyo baro kicin ugu haya dadka Muslimiinta Rohinga-ha ee dalkaasi Barma ku nool .

 

waxa uu wasiirku balan qaaday in dawlada Turkey-gu bixin doonto kharashka ku baxaaya dadkaasi si ay u helaan degaano nabad ah, isaga oo dawlada Bangaladheesh ugu baaqay inay dadkaasi xuduudaha u furto.

Comments are closed