Turkiga: Nolosha Oo Caadi Ku Soo Noqotay, Xabsiyada Oo La Ciir-ciiraya Ciidankii Inqilaabka Iyo Wararkii U Dambeeyay
Istanbul, 19.July 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Turkiga ayaa weerartay xerooyin Ciidan qeybo kala duwan oo dalka Turkiga ah kadib markii uu fashilmay afgambi qaar ka tirsan ciidamada dalkaasi ay isku dayeen.
Ilaa 6000 oo Ciidamada qalabka sida ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu tuhmay inay qeyb ka ahaayeen Askartii afgambiga ka qeyb qaatay. Ciidanka la qabtay waxa ku jira illaa 3000 kun oo Saraakiil ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Jeneraal Erdal Ozturk oo ahaa taliyaha qaybta Saddexaad ee Millateriga Magaalada Istanbuul.
Xero ku taala Magaalada Denizli oo dhacda galbeedka Turkiga waxaa laga soo qabtay Taliye Ciidan iyo Askar kale oo gaadhaaya 50 Xubnood, Intaa waxaa dheer in ilaa 3 kun oo xaakim oo diiday inay u hoggaansamaan awaamiirta dawladda Madaxweyne Erdogan shaqada laga eryay.
Dadka la xidhay ayaa qaar badan waxaa lagu eedeynayaa in ay taageereyaal u yihiin Sheekh Mastaafuris dalka Mareykanka ugu nool oo Turki ah laguna tuhmay inuu afgambiga fashilmay ku lug lahaa kaasoo lagu magacaabo Fetxullah Gulen.
Markii afgambi lagu doonayay in lagu rido dawladda Turkiga uu dhicisoobay, ayaa Sheekh Fetxullah Gulen oo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa afgambigaa dhicisoobay uu beeniyay arinkaa uuna iska fogeeyay.
Hasa-yeeshee, Madaxweyne Raccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dib dalka loogu soo celiyo Sheekh Gulen si sharciga loola tiigsano.
Sheekh Gulen ayaa hore xulafo ula ahaa Madaxweyne Erdogan ka hor intii aanu soo kala dhex gelin khilaafka keenay inuu Maraykanka u baxsado.
Dhanka kale, Xukuumadda Turkiga ayaa Shalay weydiisatay Dalka deriska la ah ee Giriiga inuu ku soo wareejiyo siddeed Sarkaal oo la sheegay inay kaalin weyn ku lahaayeen Af-gambigii dhicisoobay ee habeenkii Jimcaha ahayd ka dhacay dalka Turkiga.
Giriigga ayaa loogu baaqay, in ay sida ugu dhakhsaha badan ku soo wareejiso saraakiishan oo Dowladda Turkiga ay ku eedeysay in ay ku kaceen khiyaamo Qaran isla-markaana u baxsaday halkaasi iyaga oo wata Diyaarad Nooca Qumaatiga u kaca ah [Helicopter] ay kaga baxsadeen Turkiga.
Balse, Xukuumadda Giriigga ayaa sheegay inay ka fiirsaneyso dib u celinta saraakiishan. Waxay kale oo Giriiggu uu sheegay inay dib u celinayaan Diyaaraddii Helicopter-ka ahayd ee ay Saraakiishani Turkiga kaga soo baxsadeen, taasoo ka mid ahayd diyaaradihii Af-gambiga loo adeegsanayay.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga, Binali Yildrim ayaa isna sheegay in dib loo soo celin doono Xukunnadii dilka toogasho ahaa ee la joojiyey sanadkii 2004-tii, iyadoo ay tahay suuro-gal in Saraakiisha lugta ku lahaa Af-gambigan lagu fuliyo xukunno dil toogasho ah.
Xaaladda Ammaan ee Dalka Turkiga ayaa Caadi ku soo noqotay , inkasta oo Madaxweyne Erdogan uu Shacabka ka codsaday inay ku sii sugnaadaan Jidadka Magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.