|

Turkiga: Fannaanadda Qamar Cabdillaahi Harawo oo Soomaalida Farriin uga soo dirtay Xabsi ku yaalla Istanbul

Istanbul, 27 December, 2015-(SDN/QJ):- Qamar Cabdillaahi Harawo oo ka mid ah Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah, balse ilaa sanadkii 2012-ka ku jirta Xabsi ku yaalla Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayaa markii u horeysay codsi u soo dirtay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo waydiisatay in laga shaqeeyo sidii Xabsiga looga soo deyn lahaa.

images

Qamar oo ka mid ahayd Xiddigihii fanka Soomaaliyeed toddobaatanaadkii, ayaa Istanbul lagu xidhay sannadkii 2012-ka, xilli ay doonaysay inay ka sii gudubto Madaarka Diyaaradaha Istanbul, waxaana Wakhtigaa  Maxkamadi ku xukuntay 8 Sanadood oo Xadhig ah.

 

Faysal Meecaad oo ka mid ah Wariyeyayaasha Telefiishanka Kalsan u jooga Xarunta London oo dhawaan Safar ku tagay Istanbul isla-markaana Xabsiga ku booqday Fannaanadda Qamar Cabdillaahi Harawo, ayaa Bulshada u soo tabiyey farriintii ay u soo dhiibtay iyo Xaaladdeeda Xabsiga.

 

Wariye Meecaad oo lagu Wareystay Telefiishanka Kalsan, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya aanay xilka iska saarin sidii Fannaanadda loo soo deyn lahaa, maadaama oo Xidhiidh ka dhexeeyo Dawladda Turkiga ee Fannaanaddu u xidhan tahay, “Toos baan u waydiiyey Fannaanadda in Dawladda Soomaaliya door ka qaadaneyso in laga soo daayo Xabsiga ay ku jirto ee Istanbul iyo in Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya ku booqdeen Xabsiga. Hasa-yeeshee, ma suurto-gelin cid xidhiidh la samaysay ama hadal haya soo deynteeda.” Ayuu yidhi, Wariyuhu waxaanu intaa ku daray isaga oo Sharraxaya goorta la xidhay iyo muddada ay ku xukuman tahay, “Waxa Xabsiga la dhigay December, 2012-kii, waxaana lagu xukumay 8 Sanadood, siday ii sheegtayna waxa u hadhay wax ka yar laba sanadood, waayo? Wadamada reer Galbeedka waxa xadhigga qofka loo tirayaa Habeen iyo Maalin, markaa 8 sanadood waxay noqonayaan 4 sano.”

 

Wariye Faysal Meecaad oo la waydiiyey in Somaliland oo ay Dhalasho ahaan ka soo jeeddo Fannaanaddu ka shaqeynayso soo deynta Qamar, ayaa ku jawaabay, “Somaliland iyo Dawladda Muqdisho wax hadal haya ama gelay soo deynteeda ma jirto (Fannaanadda Qamar Harawo), laakiin, intii aan wareysanayey waxa ka muuqday Iimaan Qawi ah, waxayna hadalkeeda ku soo celcelinaysay xadhiggu waa Qadar oo ILLAAHAY baa ii qoray waanan ka bixi doonaa.”

 

Wariyaha oo mar kale la su’aalay inay jirto Farriin ay Fannaanaddu u soo dirtay Soomaalida, ayaa ku jawaabay sidan, “Waxay codsatay in Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaan ba uga gurmadaan Xadhiggeeda oo aan Xabsiga lagu iloobin.” Ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay Wariye Faysal Meecaad oo Xabsi ku yaalla Magaalada Istanbul ku booqday Fannaanadda Qamar Cabdillaahi Harawo.

Comments are closed