Turkey Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Iskaga Baxaan Dalka Lubnaan
Ankara:Aug 10, 2013 – (SDN) Tan iyo markii laba duuliyaal Turkish ah lagu afduubtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, waxaa soo baxay baaq dowlada Turkey ay soo saartay taasi oo ku aaddan in muwaadiniinta Turkey ay isaga baxaan dalka Lubnaan.
Labo duuliyaal Turkish ah oo ka shaqeynayay diyaarada Turkish Airlines ayaa waxaa afduubtay kooxo hubaysan iyaga oo gaadhigooda ku safrayay subaxnimadii jimcaha.
“Waxaan u jeedinaynaa dhamaan muwaadiniinta ku sugan Lubnaan inay kusoo laabtaan dalkooda haddii ay awoodaan haddii kalana ay hubiyaan amaankooda”ayaa lagu yidhi war kasoo baxay wasaarada Arrimaha dibada ee dalka Turkey.
Wasaarada Arrimaha dibada Turkey ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay ugu baaqeyso dowlada Lubaan inay hubiso Amaanka muwaadiniinta ku sugan dalkaasi, maadaama ay marti u yihiin.
Kooxo hore oo aan la garanaynin ayaa sheegtay masuuliyada afduubka waxayna ku dalbadeen sii deynta kooxdaasi xojay sanadkii lasoo dhaafay lagu afduubtay dalka Syria kuwaasi oo shiico ahaa, sidaasi waxaa baahiyay warbaahinada dalka Syria iyo Lubnaan.
Xafiiska warbaahinta Shirkada Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday in duuliyaasha lagu kala magacaabo Murat Agca iyo Murat Akpinar, islamarkaana ay wali ku jiraan gacanta af-duubayaasha.
Marka loo eego safiirka Turkey ee dalka Lubnaan Inan Ozyildiz, sagaal kale oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaarada ayaa kusii jeeday hotelka ay degenaayeen markii afduubku uu dhacayay.
Sanadkii lasoo dhaafay laba muwaadin Turkey ah ayaa lagu afduubtay dalka Lubnaan, sidaasi si lamid ah 11 shiico muslimiin ah oo u dhalatay dalka Lubnaan ayaa lagu afduubtay gobolka Aleppo ee dalka deriska ay yihiin ee Syria, laba kamid ah dadkaasi waa lasii dayay.
Somalidiasporanews.com