Turkey Oo Ciidankiisa Nabad-ilaalinta Kala Baxaya Dalka Lubnaan
Ankara: 11-Aug-2013 (SDN)Xukuumadda Turkey ayaa qorsheynaysa inay ciidamadeeda kala baxdo ciidamada Nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee howlgalka UNIFIL u jooga dalka Lubnaan.
Xogtan ku saabsan ka bixitaanka ciidanka Turkey ee Dalka Lubnaan, ayaa waxaa sheegay ilo ka tirsan Turkey iyo Qaramada Midoobay, waxaana loo malaynayaa in arintaasi xidhiidh ay la leedahay afduub dhawaan ka dhacay dalka Lubnaan.
“Qiyaastii 250 ruux oo injirneero dhanka dhismaha ah ayaanan kasii mid ahaan doonin xiliyada soo socda howlgalka UNIFIL ee Lubnaan”sidaasi waxaa wakaalada AFP u sheegay diblu maasiyiin Turkey ah.
Go’aanka ayaa yimid ah kadib markii laba duuliyaal ka tirsan shirkada Turkish Airline lagu afduubtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, iyaga oo ku lugaynayay waddo ka baxdo garoonka diyaaradaha, iyadoo lagu xidhay sii deyntooda xujey lagu afduubtay dalka Syria.
Afduubka ayaa horseeday cambaareynta dowlada Turkey iyadoo muwaadiniinteeda ay ka codsatay inay isaga soo baxaan dalka Lubnaan, kadib markii amaankooda ay u baqday.
Labada dhinac masuuliyiin u hadlay ee Turkey iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in bixitaanka ciidaamada uu ahaa go’aan soo socday ka hor inta aanu dhicin afduubka.
“Lixdii Augost, waxaan ku wargelinay waaxda howlgalka nabad ilaalinta in dowlada Turkey ay go’aansatay la bixitaanka shaqaalaha injineerada dhismaha”sidaasi waxaa yidhi afhayeenka howgalka UNIFIL ee Lubnaan Andrea Tenenti.
Ilaha lagu kalsoon yahay ee Turkey ayaa xaqiijiyay in go’aanka soo bixinta injineeradaasi uu yahay mid hore ay u gaadheen Dawladda Turke.
Maalintii shalay ayey koox aan la garanaynin laakiin isku magacowday Zuwwar Imam Ali al-Rida aya sheegtay masuuliyadda afduubka, iyaga oo sheegay inay doonayaan sii deynta dad lagu afduubtay sanadkii lasoo dhaafay dalka Syria oo shiico u badnaa.
Somalidiasporanews.com