Tuhunno Muujinaya Inuu Fu’aad Aadan Cadde Ku Fooggan Yahay Inuu Somaliland Ka Goosto iyo Shirar uu Beeshiisa La Leeyahay
Xuddun:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Fu’aad Aadan Cadde oo Madaxweyne Siilaanyo La Taliye uga ah arrimaha Bariga Somaliland, isla-markaana muddo Shan cisho ah ka Maqnaa Hargeysa, ayaa waxa soo Baxaya Tuhuno Muujinaya inuu tabaabulshe ugu jiro inuu u gusto dhinaca Maamulka Puntland oo looga Baaqayo.
Sida ay sheegayaan wararka xogogaalka ah ee laga Helayo Siyaasigani, waxa uu haatan ku sugan yahay Miyiga Deegaanka Xudun sida uu isaguba u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta, waxase aan si cad loo fahmin ujeeddadiisa.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in fu’aad uu shirar hoose kula jiro odayaal iyo waxgarad Beeshiisa ah oo halkaas deggen, kuwaas oo ay ka wada Hadlayaan isbeddelka ku yimi fikirka siyaasiyiin hore Somaliland ula soo shaqeeyey oo reerkooda ah kuwaas oo uu ka mid yahay Axmed Cabdi xaabsade oo u galay dhinaca Puntland.
Shirarka uu odayaasha Beeshiisa kula jiro, ayaa la sheegayaa in lagu soo hadal qaaday in qudhiisa ay suurtogal tahay inuu dhinaca Puntland gaadho, maadaama maamulkaasi uu ku wado Xod-xodasho badan iyo baaqyo xilal loo ballan qaadayo.
Wali si cad looma xaqiijin inuu fu’aad aqbalay yeedhmada kaga imanaysa dhinaca Puntland, waxase jira tuhun ah inuu u dabcay qaadashada xilalka loogu baaqayo, maadaama uu muddo dheer Somaliland bilaa camal ku ahaa, isla-markaana aanay xukuumaddda Kulmiye diyaar u ahayn inay xil cusub siiso.
Shakiga laga qabo inuu Fu’aad maro waddadii uu ina Xaabsade Maray, ayaa sii xoogaystay kadib m arkii uu diiiday inuu u jawaabo wariyayaal telefoonkiisa garaacay oo isku dayey inuu arrintan wax ka weydiiyaan, isagoo diiday inuu ka hadlo.
Fu’aad aadan cadde aya wasiir ahaa xilligii xukuumaddii rayaale, isagoo in badan ka mid ahaa Mucaaridkii Kulmiye, balse markii xilka la qabtay isaga dibadda ayaa lagaga tegay, waxana ku dhacay Niyad-jab ballaadhan.
Haddii ay rumowdo inuu Fu’aad Aadan cadde u digo rogto Dhinaca Puntland waxa uu noqonayaa siyaasigii labaad ee kasoo jeeda Gobolka Sool ee muddo toddobaad gudihii ah u gala maamulka Puntland, taas oo dhirbaaxo siyaasadeed ku ah xukuumadda Madxweyne Siilaanyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com