Trump oo la soo baxay xeelad yaab leh oo dowlada Mexico looga qaadayo lacagta derbiga lagu dhisayo
Washington 27. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka ayaa canshuur dheeraad ah ku soo rogay allaabta Mexico laga keno ee dalkiisa lagu iibiyo, si lacagtaas loogu bixiyo qarashka derbiga.
Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay in Qorshahan uu soo baxay saacado ka dib markii madaxweynaha Mexico uu joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Washington, ka dib qilaaf ka dhashay cidda bixineysa qarashka derbiga xuduudda laga dhisi doono.
Aqalka Cad ayaa sheegaya in canshuur kordhinta ay tahay tallaabada keli ah ee hadda u furan si dhismaha derbigaas loo hirgeliyo.
Trump ayaa arbacadii saxiixay amarka lagu dhisayo derbiga xuduudda dhanka Koofureed ee Mexico uu la wadaago Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mexico, Luis Videgaray ayaa ka jawaabay qorshaha Mareykanka ee alaabtooda lagu saarayo canshuur dheeraad ah oo gaaraya boqolkiiba 20, wuxuuna sheegay in canshuurta noocaas ah ay saameyn doonto shacabka Mareykanka, ayna qaali noqon doonaan laga billaabo Qudaarta illaa qalabka gawaarida iyo wax kasta oo ay Maraykanka u dhoofiyaan, wuxuuna xusay in taasi macnaheedu tahay in shacabka Maraykanku ay yihiin kuwa sida rasmiga ah u bixinaya lacagtaas.
Wuxuu ku celiyay in Mexico aysan bixin doonin qarashka derbiga, taas oo uu ku tilmaamay inay bahdil ku tahay qarrannimadooda.
Ballan-qaadyadii ugu muhiimsanaa Trump ee xilligii ololihii doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa inuu xadka Maraykanka iyo Mexico ka dhiso doono derbi si looga hortago dadka sharci darada ku soo galaya Maraykanka, waxaana Trumo uu sheegay in Mexico ay bixin doonto dhaqaalaha ku baxaya oo gaaraya balaayiin dollar, hase ahaatee Mexico ayaa ku gacan seyrtay.