|

Trump oo la sheegay in uu damacsan yahay kala dirka AFRICOM

Washington (QJ) – Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa hadda hadal haya in maamulka Mareykanka uu ka fikirayo ka bixitaanka iyo burburinta howlgallada ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

Ciidamadan ayaa ka caawiya wadamada ay martida u yihiin la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada waxayna sidoo kale bixiyaan tababaro. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa hadda isla dhex mareysa in maamulka madaxweyne Donald Trump uu ka fikirayo ka bixitaanka iyo burburinta howlgallada ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom.

Haddii maamulka Trump uu tallaabadan qaado, waxay la macno tahay in dalalka Afrika oo ay Soomaaliya safka hore kaga jirto ay lumin doonaan taageeradii ay ka heli jireen AFRICOM. Tan waxaa ka mid ah duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, barnaamijyada tababarka, iyo dadaallada xog uruurinta.

Mareykanka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu ka walaacsan yahay in haddii uu ciidamadiisa kala baxo dalalka Afrika ay fursad u abuuri karto Ruushka iyo Shiinaha inay soo galaan ciidamadooda si ay u buuxiyaan booska uu baneeyay ciidamada Mareykanka.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa la sheegay inay u soo bandhigeen dalalka Afrika suurtagalnimada in ciidamada Maraykanka ay bedelaan haddii ay baxaan, iyagoo ka caawinaya dhinacyo kala duwan. Tani waxay fursad weyn u siinaysaa Ruushka iyo Shiinaha labadaba inay ballaariyaan saameyntooda gobolka.

Comments are closed