“Trumo waxaanu oga Digeynaa Kalinimo inuu Galiyo Maraykanka” Gaashaan buurta NATO
Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa u digay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, waxaanu u sheegay in “kelinimo” aanay dan u ahayn Europe iyo Maraykanka toona.
Waxaa uu sheegay in reer galbeedka ay soo food saartay caqabadii ugu wayneyd ee dhanka nabadgelyada ah ee mudo qarniyo soo marta.
Intii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa Trump wuxu ku tilmaamay isbahaysiga milatari ee gaashaan buurta reer galbeedka ee NATO mid hagaastay.
Maqaal uu ku qoray wargeyska ingiriiska ka soo baxa ee Observer ayaa Mr Stoltenberg ku qiray in ay jirto eedda Trump sheegay ee ah in loo baahanyahay in dalalka xubnaha ka ah gaashaan buurta kuwooda ladani bixiyaan qaadhaan badan maadaama Maraykanku haatan bixiyo ku dhawaad 70% dhaqaalaha ku baxa miisaaniyadda NATO.
Xog-hayaha ayaa intaa ku darray in hogaamiyeyaasha Maraykanku ay had iyo jeer garawsanaayeen in dalkoodu dano istiraatijiyadeed oo mug leh ku qabo Yurub xasiloon oo nabad qabta.