|

TOOYASHO IYO TOOGOBEEL Gabay Xiiso badan Abwaan Sacad Axmed Xasan Roodhiile

 

Abwaan Sacad Roodhiile pictureGabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee  ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida  ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da dhinaca qaafiyadda,  waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da  ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.

  1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
  2. Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye
  3. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
  4. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
  5. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
  6. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
  7. Kolkii  gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
  8. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
  9. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye

10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey

11. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay

12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye

13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin

14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi

15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni

16. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye

17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene

18. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay

19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe

20. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan

21. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda

22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane

23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene

25. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima

26. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan

27. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tiyoota

28. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka

29. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo

30. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taksaas

31. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok

32. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago

33. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda

34. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado

35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay

36. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane

37. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta

38. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto

39. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway

40. Tijagistaanida bari xigtee, tidicii ruush goysay

41. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool

42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay

43. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali

44. Badda tooxle marinka jabuuti, ticisidaa yamani

45. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa

46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase

47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane

48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene

49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam

50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe

51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday

52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay

53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay

54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye

55. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay

56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay

57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay

58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?

59. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixin tafaasiisha

60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban

61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye

62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone

63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye

64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri

65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye

66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin

67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde

68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde

69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye

70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo

71. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan

72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey

73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray

75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo

76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane

77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin

78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini

79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey

80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan

81. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan

82. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray

83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay

84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane

85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday

86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e

87. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e

88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e

89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay

90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane

91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo

92. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?

93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye

94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene

95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane

96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere

97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane

98. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsigii daashaday

99. Tuur iyo tarbiica isku yeel, tahar ma gooyaane

100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane

101. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye

102. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?

103. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane

104. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale

105. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay

106. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay

107. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye

108. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye

109. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye

110. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay

111. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye

112. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene

113. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega?

114. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene

115. Kolba hebelka badhi taarayaan, loo tartar  jeexye

116. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska

117. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye

118. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay

119. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?

120. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene

121. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

122. Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay

123. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene

124. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne

125. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye

126. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey

127. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo

128. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto

129. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

130. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye

131. Hore tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey

132. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya

133. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye

134. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e

135. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye

136. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine

137. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin

138. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane

139. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo?

140. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

141. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray

142. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye

143. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay

144. Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan

145. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane

146. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin

147. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye

148. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?

149. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene

150. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye

151. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey

152. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e

153. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!

154. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane

155. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene

156. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e

157. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto

158. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray

159. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe

160. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye

161. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso

162. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya

163. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?

164. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta

165. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega?

166. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero

167. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye

168. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye

169. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye

170. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?

171. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray

172. Oo taxadder foojigo war helin, talada  gaadhsiine

173. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo

174. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday

175. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!

176. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine

177. Tacabkii  dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo

178. May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane

179. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli

180. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan

181. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!

182. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday

183. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?

184. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan

185. Tabkac  kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!

186. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye

187. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye

188. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay

189. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?

190. Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene

191. Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas  ma loo joogay?

192. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye

193. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo

194. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye

195. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye

196. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?

197. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya

198. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo

199. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane

200. Tafantaaca hadal riiq ka taraa, toobbonaan malehe

201. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane

202. Taharow tiknoolajiyadaa,  loo tartamayaaye

203. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay

204. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye

205. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane

206. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin

207. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?

208. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay

209. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin

210. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine

211. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

212. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene

213. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay

214. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe

215. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere

216. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye

217. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye

218. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye

219. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine

220. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye

221. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye

222. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye

223. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan

224. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare

225. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye

226. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe

227. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye

228. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane

229. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye

230. Marna tafantoof cayd iyo haraan, gali tahriib dheere

231. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye

232. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye

233. Talanteel  adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe

234. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye

235. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto

236. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe

237. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay

238. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama

239. Eebbow tafaafulka qabyaaladda, tafarruqay keentay

240. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye

241. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay

242. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye

243. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta

244. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto

245. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene

246. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe

247. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane

248. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene

249. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase

250. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane

251. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye

252. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye

253. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri

254. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye

255. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican

256. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara

257. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo

258. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin

259. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye

260. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay

261. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi

262. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane

263. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene

 

DHAMAAD

Macnaha  Ereyada ku jira Gabayga

  1. Toogobeel = Baahi-beel , kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado
  2. Tooyasho: Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.
  3. Tisayn= ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,
  4. Tigraar= Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.
  5. Tigin= Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.
  6. Tooraynta= Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay
  7. Togon= Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska ah lagu taago.
  8. Moodhadh– gaadhiga ama baabuurka
  9. Tawaad= Awood ama xoog, loo tawaan waaye
  10. Tallamay= Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo
  11. Tirana= Meel magaceed, caasimada dalka albania
  12. Tahan= Awood ama xoog
  13. Tahan 2 Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa
  14. Haatif= waxaanad arkayn oo kula hadla
  15. Taabud= wanaagsan, ama burji
  16. Tasayn= xaqirid, yaraysasho, fogayn
  17. Tookh= Faan iyo is amaanid
  18. Buraashad= Weyso yar oo biyaha lagu shubto
  19. Tix-maal= Abwaanka qofka suugaanta tiriya
  20. Tallahaase= Meel magaceed, caasimada golbalka florida
  21. Koloraado=Meel magaceed gobol ka mida maraykan
  22. Taawilo= Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid
  23. Tabaaloobid= dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho
  24. Tayaaq= Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo
  25. Tahanbaabid=hungoobid, waayid waxaad filaysay
  26. Toggo= Doorasho ama xulasho
  27. Taamilo= Wax kugu dhacay oo  cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray.
  28. Tamuux= Ciida dhulka, wax tammuuxda ka badan
  29. Tamani= Sawirasho ama ka fekerid arrin
  30. Tartar= Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda
  31. Teeris= Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo
  32. Toogahayn= ka warqabid siday wax yihiin
  33. Tafaqsi= Xoogsi aan loo aabbadayin
  34. Todraac= xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso
  35. Teeri= Waran yar oo meel la qabsado leh
  36. Tabiino= waxtar af ama adig ah oo aah tarto
  37. Tahna= in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin
  38. Turufoole= beenaale, qof dadka been u sheega
  39. Tunbul= reero ama dad meel wada degan
  40. Tunbuur= Dacaw yar ama dawaco yar
  41. Tacluus= xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca
  42. Tammadin= Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo
  43. Toodibo= Digniin qab, ka war qabid
  44. Taddawur= Horumar iyo wax qabad
  45. Tasarruf= wax sidaad doonto ka yeelid
  46. Tanaadin=Barwaaqo gaadhid
  47. Tahluuko= Dhimasho dad iyo xoolaba oo dhacda
  48. Tabkac= Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo
  49. Tiiftiif= Jeex jeex mid diirka sare ee qof
  50. Taakh= Lugooyo ama ku hantaaq mid
  51. Taftaafeene= Xanuun ku dhacay la caatoobid
  52. Turaabida= kalma carabiya oo ciida ama carada
  53. Tamandac= Hadal meel ka dhac ah hantaatac
  54. Tafantac= Daan-daasi iyo gardaro
  55. Tobboon= Wanaag, fiicnaan
  56. Tarwadhid= Talaxgab, awood la,aan wax qabad
  57. Temmin= qiime wax lagu goosto
  58. Tahbiib= Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn
  59. Tahdiid= Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco
  60. Tooman= wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa
  61. Tarshad= biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale
  62. Tiimbaro= shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor
  63. Tacliiq= faallo ka bixin wax la sheegay sida war
  64. Tagxeel= farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal
  65. Tawlanaan= Wax isku habaysan oo isku duba ridan
  66. Togidda-= Furfurmida xadhiga ama taxa
  67. Tafniid= Kala baandhayn, kala bixbixid
  68. Tadhaq= Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn
  69. Tootiro= Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin
  70. Taab-gaabni= Adin gaabni, cag culays
  71. Tafantoof= qaq iyo qaxoonti, bayhoof
  72. Toolmoon= Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn
  73. Tagaaboda= Hirgal ama meel mar
  74. Tacabbir= Tahriib ama dhalandhool
  75. Taa’ib= qof danbiga ka toobad keena
  76. Tamcaaro= Duco ama alla bari dadku isku yimaado
  77. Talaf= Dhibaato ama masiibo timaada
  78. Taraqi= Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)
  79. Teeraan= Garoonka ku bada lagu ciyaaro
  80. Tulud= Neef geela
  81. Tanaladii= kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.
  82. Tooxle= Balaadhan ama balac aweyn
  83. Tammuun= Tuuryo sida warmaha
  84. Toobal-caare= Shay la kala ergisto
  85. Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida
  86. Misiisibii= meel magaceed., gobol ka mida maraykan

 

Fiiro-gaara: Kelmaduhu waxay u kala horeeyaan sida gabayga beydadkiisu  u kala horeeyaan intooda badan.
 

Comments are closed