Toogasho lala beegsaday Goob loogu dabaaldegayay wax loogu yeeray Xoriyatul Qoolka, balse loogu dabaadegayay Aflgaadada Nabigeena Suuban (NNKH)
Copenhagen Feb 15, 2015(SDN/QJ)-Dlaka Denmark ayaa shalay gelinkii danbe ruux hubeysani raasas la beegsaday goob ku taal casimada dalkaa oo lagu qaban lahaa xaflad loogu dabaaldegayo xoriyatul qoolka oo ay isugu imanayeen ashqaas ku can baxda shaacinta sawiro gef ku ah nebi Maxamed (NNKH).
Ninka toogashada geysat oo aan la aqoonsan isla markaana haatan la baadigoobayo ayaa rasaastii uu furay waxa u geeriyooday Ruux halka sadex ka mida Polickii goobta joogayna ay ku dhawaacmeen.
Dawlada dalka Denmark ayaa sheegtay in la baadi goobayo danbiilaha geystay toogashada isla markaana sharciga la horkeeni doono.
Goobta xaflada lagu qabanayay ayaa waxa ku sugnaa Lars Vilks oo u dhashay dalka Sweden isla markaana hore u daabacay Sawiro Muslimiin badan ka careysiiyay oo uu ku aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKH).
Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Denmark oo lagu waday in uu ka warbixiyo weerarkii horaantii sanadkan lagu qaaday jariirada Charlie Hebdo.
Si kastaba ha ahaatee weerarkan u danbeeyay aya siweyn loo hadal haya halka ay jariiraduhuna si weyn u hadal hayaan dhacdadan.
SDN/QJ-Copenhagen
contact2qurbejoog.com