Todoba Sano,Afar Bilood Iyo 17 Habeen Kadib Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu Haatan Dhamaad Yahay Muddadii Xil-hayntiisu?
”Dhismaha Jidadka iyo Waddooyinka, Bur-burka Haykalka Dawladnimo, Sicir-bararka Golaha Wasiirrada iyo Qodobada Kale ee Lagu Xasuusan Doono Xukuumadda Siilaanyo
Hargaysa 09 November 2017 (SDN/QJ):- Doorashada madaxwaynaha ee 13 November dalka ka dhici doonta ayaa uu madaxwaynaha Somaliland ku wareejin doonaa xisbiga ku guulaysta talada dalka, waxaana mudada uu madaxwaynuhu talada hayay noqon doontaa 7 sano afar bilood iyo 17 habeen, taasoo ka badan mudadii sharci ahaan loo doortay.
Hadaba waxaynu warbixintan ku eegi doonaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhaliil iyo wanaag ba leh ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo 7 sano kadib lagu xasuusan doono.
Dayactirka Dhismayaasha Dawladda
Intii uu madaxwayne Siilaanyo talada hayay waxaa isbedel wayn ku yimi muuqaalka wasaaradaha, wakaalada iyo hay’adaha kale ee dawladda oo dhisme ahaan aad loo qurxiyey. Xukuumaddan ayaa xilka qabatay iyadoo dhismayaasha dawladda inteeda badan ay arradan yihiin, isla markaana aanu jirin qalab wanaagsan oo la jaanqaadaya tiknoolajiyadda casriga, waxaana adkayd in shaqadu sidaas ku socoto, wasaaradaha dhismayaashooda la dayactiray waxa ka mid ah wasaaradda boostaha, macdanta, maaliyadda oo dhisme cusub hadda loo dhisay, xanaanada xoolaha, ciyaaraha, arrimaha gudaha , arrimaha dibadda iyo inta badan xarumaha kale ee dawladda, waxaanse la hilmaami karin inay illaa hadda jiraan hay’ado dawladeed oo aan xafiisba lahayn ama kiro ku jira.
Isku xidhka dalka iyo dhismaha waddooyinka gobollada
Mudaduu uu Madaxwayne xilka hayay waxaa dayactir badan lagu sameeyey wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, Berbera iyo Burco, sidoo kale waxaa la dhisay wadooyin badan oo ay ugu mudan tahay wadada Ceerigaabo oo qabyo ah, wadada isku xidha Dilla iyo Boorame, waxaa la bilaabay dhismaha jidka Dawga cad, sidoo kale waxaa la dhisay qaybo ka mid ah jidadka Sallaxley-Hargeysa iyo Hargeysa-Balligubadle.
Dhismaha waddooyinkan ayaa sahlay isku socodka bulshada Somaliland ganacsi ahaan, tacliin ahaan iyo caafimaad ahaanba.
Burburka Nidaamka Dawladnimo iyo Xisaab La’aan.
Tan iyo markii uu Axmed Siilaanyo talada la wareegay waxaa soo badanayay khilaafka ka dhex jira xukuumadda dhexdeeda, waxaa inta badan is qabta wasiirka iyo agaasimaha, waxaa is eedeeya laba wasiir oo xukuumadda ka wada tirsan, waxaanay weeraro isku mariyaan warbaahinta.
Agaasimayaal, wasiirro kuxigeeno iyo masuuliyiin kale oo khilaaf dhexmaray wasiirkooda ayaa xilalka sii hayay, halka qaar kalena wasaaradaha loo kala bedelay, waxaanay taasi keentay in isku hallayn darteed uu lumo hanaankii wadashaqayneed ee hay’adaha dawladdu.
Sidoo kale mudadan 7-da sano ah way yarayd in la arko wax xisaabtan ah oo masuuliyiinta xilalka loo diray lagu samaynayo, hantidhawraha guud ma ahayn mid shaqeeya, guddiga ka hortagga musuquna ma noqon mid madax banaan, sidoo kale Madaxwaynuhu wali si guud uma soo bandhigin masuul xilka looga qaaday xisaabtan darteed, taasina waxay keentay in shaqadu noqoto madaxaa banaan.
Korodhka Tirada Wasiirrada Oo Ku Dhaw Golaha Wakiillada
Markii Madaxwayne Siilaanyo ku jiray ololaha doorashada 2010 waxa la xasuustaa inuu ku cel-celin jiray inuu soo dhisi doono xukuumadda tayo leh oo tiro taas bedelkeeda waxa uu marba marka dambaysa sii kordhinayay tirada wasiirradiisa, waxaana uu xilka ka dagayaa isagoo ay wasiirradiisu dhan yihiin 72 wasiir oo isugu jira wasiir, wasiiru-dawle iyo wasiir kuxigeen.
Xigasho:– Wargeyska Somaliland today