Todoba Qodob oo Qaarkood Xasaasi Yihiin oo Lagu soo Afmeeray Wada Hadalkii u Socday Somaliland Iyo Khaatumo DAAWO
Caynaba 20. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa waxaa ay goor dhaweyd heshiis rasmi ah ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar .
Heshiiskan ayaa waxaa uu noqonayaa mid ay ku midoobayaan dawlada Somaliland iyo maamulka Khaatumo waxaana uu ka kooban yahay 7 qodob oo kala ah sidan :-
- In la helo cadalaad , sinaan iyo nabad kuwada noolaansho
2.In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland .
- In Khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed
- in la ilaaliyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha
- In Distoorka Somaliland dib loo furo si loo helo awood qeybsi ku saleysan cadaalad iyo sinaan , guddi joogto ahna arintaas loo saaro
- In Dawlada Somaliland iyo Haaya’adaha sama falkuba ay ka hawl galaan sidii Mashariic wax ku ool ah looga hir galin lahaa deeganada Sool iyo Sanaag .
- In ciidamada Hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa