|

Todoba Madax dhaqameed oo Si Fool Xun loogu dilay Duleedka Buur hakaba

Buur-Hakaba 24.March 2014 (SDN)- Koox hubeysan ayaa  toddobo qof  ku dishay, mid kalena ku dhaawacday  meel  7 kilo mitir u jirta degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Photo File

Photo File

Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay oo ahaa odayaal-dhaqameed ay waddada u galeen rag hubeysan oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabaab, kuwaasoo rasaas oodda uga qaadday,Iyadoo Wararku Sheegayaan in Mid kasta Madaxa Xabad lagaga Dhuftay.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Buur-hakaba Cali Xasan Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in odayaasha la dilay ay ka yimaadeen degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuna sii jeedeen magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta loo beegsaday odayaashaas iyo waxa uu salka ku hayay safarka ay ugu socdeen Muqdisho.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa horay loogu eedeeyey weerarro ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Buur-hakaba, Inkastoo Bayaan ay Soo Saareen Alshabaab ay Iska Fogeeyeen ku Lug lahaanshiyaha Dilka

Buur-Hakaba SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed