|

Todoba Cisho oo Rumaan ah Kadib Waxaa Maanta Balantu ahayd In Maxkamadda La Hor Keeno Weriye Cabdi Maalik Coldoon & Dooda Daneeyeyaasha Kiiskiisa DAAWO

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Saxafi Cabdimaalik Coldoon oo ay maanta ugu eekayd todoba maalmood oo ay rumaan xabsi ku hayn ah ugu dirtay maxakamaddu isla markaana ballantu ahayd in la horkeeno si dacwaddiisa loo gudo galo ayaan maxakamadda la hor keenin.
Cabdimaalik oo ku xidhan Dhismaha Unugga La dagaalanka Argagixisada/counter terrorism unit oo ka tirsan xarunta dambi baadhista Hargeysa ayaa garyaqaan Guuleed Dafac oo ah qareenkiisu ayaa sheegay in maanta markii la horkeeni waayey maxakamadda uu isku dayey inuu ku booqdo xabsiga si uu xaalkiisa uga warhelo balse booliska xarunta ayaa garyaqaan Guuleed u sheegay in isaga laga mamnuucay inuu xarunta CID-da soo galo.

Guuleed oo ku doodaya in aanu Cabdimaalik dambi gelin madaama uu xor u yahay inuu fikirkiiisa shakhsiyadeed cabiro ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhiga uu Cabdimaalik xidhan yahay iyada oo ay dhaaftay muddadii ay maxakamaddu xukuntay .

Comments are closed