Todoba (7)Fursadood ee uu Lumiyey Madaxweyne Siilaanyo Mudadii u Xilka Hayey !!
Bar bilowgii xukuumadda Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay la hano-qaaday wakhti Ay wadatay Dareen shacab iyo Cod Buuxa oo garab taagnaa, Rajo badana loo Qabay Isbedel Hor leh oo Gayiga Somaliland ka Curtay, Ka dib doorashooyin muddo dhaafay iyo xukuumaddii Daahir riyaale Kahin oo waxqabad la;aan lagu eedeynayey waxay soo dadajisey in si Niyad furan shacabku ugu heelanaado soo dhaweynta Isbedelka Maamul ee Dalka ka dhacay ee Xisbigii KULMIYE hogaaminayey.
Sidaad la socotaan 27 July 2010 ayaa madaxweyne Somaliland Mudane ahmed maxamed maxamud siilaanyo la wareegay taladan wadanka loona dhaariyey muddo xileed dhan shan sanno in uu dalka ka arrimiyo, shantaas sano oo dhamaaday ayaa waxaa xukunkiisu koobsadey duruufo kala duwan oo qof kasta dhinac ka taagan yahay.
Qormadan kooban, Waxaan dul istaagi doonaa todoba fursadood oo la odhan karo madaxweyne siilaanyo wey u soo gacan galeen ama way soo mareen oo sidii la rabay aanu uga faaideysan maanta xukuumadiisa dhaliil ku noqday iyo galdalooloyin looga soo dhaco. Ka faaideysigaa fursadahaasna waxay dhaxal siin lahaayeen in ay ka awdaan dhaliilo badan oo xukuumadiisu maanta huwan tahay , Bulsho badan oo madaxweynaha garab taagnaana taageero badana ka heystay meesha ka saaray kana dhigay xukuumadda Siilaanyo mid leh nabaro saameyn ku yeelan kara doorashooyinka danbe.
1 . Kala Saaridii Golihiisa Xukuumadda Iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye :
Dowladii koowaad ee Madaxweyne siilaanyo soo dhisay waxaa si cad uga muuqatay in xukuumadda cusub iyo hogaankii xisbi xaakimka Kulmiye u kala leexdeen, Madaxweynuhu iska fogaayey xubno badan oo hogaan ka ahaa xisbiga KULMIYE, sida caadada aheyd xubnaha uga cadcad xisbiga taladda ku guuleysta ayaa isku tixi jiray mansabka dowladnimo, iyadoo ay dhici jirtay in xukuumadda iyo xisbigu mid isku ahaadaan balse waxaa markiiba soo ifbaxdey in rag badan oo ama xilal muhiim ah ka hayey xisbiga ama ugu cadcadaa ay ku hadheen xisbi xaakimka, taas o sababtay in dowladuna sideeda isku mashquuliso Xisbigii kulmiyena gooni u taagnado hadana ay isku dabranaadaan, ilaa heer ay gaadhay in loolan adag dhex maro xisbiga dhexdiisa isbaheyso u kala jabo kaas oo saameyn cad ku yeeshay heykalka golaha xukuumadda. soona saartay galdaloolooyin aan la dhayalsan Karin. Kala soocida xukuumadda iyo xisbi xaakimka KULMIYE waxay kaloo sababtay in dowladuna dhaliisheeda mar walba muuqato halka xisbigu ka haftay loolan siyaasadeed oo ka dhex qarxay galaaftay xubno badan oo wasiiraba ka ahaa xukuumadda.
2 . Gacan ku dhigista Masuuliyiin Badan oo Golaha Wasiiradda Soo Maray Maanta Mucaarid ah:
Madaxweyne siilaanyo markuu talada uu qabtay waxaa u suurogashay in uu dhiso xukuumadda Miisan culus laheyd , iyadoo aad uu u wiiqmay mucaaridkaa markaa jiray ka dib burburkii ku dhacay Xisbigii bahweynta UDUB, waxaana saaxadda mucaarid ku soo hadhay xisbiga UCID oo isaguna isbedel dhexdiisa ah ku mashquulsanaa, taas waxay madaxweyne siilaanyo u sahashay in uu helo rag badan oo miisaan ku dhex leh bulshadda golihiisa wasiiradda ka muuqda, badhkooda ay ahaayeen xulafadii Xisbi xaakimka kulmiye. Tusaale ahaan, Waxaa golaha wasiiradda madaxweyne siilaanyo soo maray wasiirkii hore caafimaadka Dr Hussein xoog,Wasiirkii hore Maaliyadda Eng maxamed xaashi cilmi, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Dr Gaboose, Wasiirkii hore Warfaafinta Boobe yousuf ducaale, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Duur caraale iyo qaar kale oo badan. maanta ah dhamaantood mucaarid aad uga soo horjeeda ama dhaliila ugu culus xukuumadda siilaanyo dhakada uga saara, taas bedelkeedii ka dib doorashadii golaha deegaanka ee xisbiyaddu ku kala hadheen dhalisay in ay bilaabanto dufaano cusub oo mucaarideed. Waxaa marag ma doon ah hadii madaxweyne siilaanyo manta oo mudadii shanta sanno aheyd ba dhamaatay gacan ku heyn lahaa masuuliyiin badan oo xilka uu ka qaaday ama is casilay duruufo kala duwan (Inkastoo xilka aan lagu waareynin oo sunaha dowladnimo yahay isku bedelka hadana masuuliyiinta hore ayey Mucaaridnimo ka galeen) in dhaliisha xukuumaddu yaraan laheyd heli lahaa miisaan ka balaadhan kan manta uu leeyahay bulshadda dhexdeeda.
3. Awooda Maamulka Talada Dalka oo Lagula Wahelinayey.
Muddo ka dib markii shacabka Somaliland cod sarre ugu codeeyeen madaxweyne siilanyo loona dhaariyey Xilka Madaxweynenimo ayaa waxaa soo ifbaxay Dhaliilo Cad oo ah cida sida dhabta ah uga talisa madaxtooyadda Somaliland ama la wadaagta talada dalka madaxweyne siilaanyo, taas oo marki danbe si cad u soo shaac baxdey in masuuliyiin ku xeeran madaxweyne siilaanyo ay talada dalka daaha dabadiisa ka wadaan, waxana taas marag cad ku furay masuuliyiin badan oo Xukuumadda siilaanyo xilal ka soo qabtay badhkoodna shidka ugu jireen.
4 . Doorashadda iyo Goaanka Aan Cadeyn Ee Madaxweynaha :
Madaxweyne Siilaanyo Maalintii talada dalka loo dhiibay, Waxaa uu si cad u balan qaaday in aanu doorashadda dib u dhici doonin, xilligii uu ahaa Mucaaridkii dowladii hore jidka ugu soo jiray Hanashadda Hogaanka dalka waxaa uu aad uga soo horjeestay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashada e dalka ka taagneyd halgan dheerna ka galay, iyadoo mudadii uu madaxweynuhu talada dalka hayey hal doorasho qabsoontay oo aheyd tii Golaha deegaanka, ayaa labadii sanoo ee u danbeeyey waxaa cirka isku shareeray muranka xidhiidhka la leh doorashadda qabsoomitaankeeda, taas oo si cad aanu madaxweyne siilaanyo xisbiyadda mucaaridka ah iyo shacabka ugu cadeyn dib u dhaca doorashadda ku yimi, taasi waxay hoos u dhigtay milgihii madaxweynaha oo u muuqday in wixii shalay uu xaaraanta ahaa maanta markuu talada ku fadhiistay xalaashaday, iyadoo maanta ay muddo dhaaftay xukuumadu oo Muddo kordhin ku joogto.
5 . Qoyska Madaxweynaha Iyo Xukuumadda
Dhaliil kale ayaa xukuumadda siilaanyo ka dhigtay sida Shimbirka daauuska, taas oo aheyn saameynta cad ku yeeshaan qoyska madaxweynuhu talada dalka xilal ka qabtaan, iyadoo bulshadu si togan uga falceliyeen kuna tilmaameen ka faaideysiga xukunka dalka.
Dhawaan waxaa uu madaxweynuhu degreeto madaxweyne ku magacaabay wiil uu sodog u yahay Mudane Baashe Cawil oo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraatka carabta loo caleemo saaray.
6. Hawl Maalmeedka Madaxweynaha
Madaxweynaha qaranka waxaa saaran waajib dastuuri ah kaas oo ah in uu hawsha qaran u igmadey in u guto si cad oo toos ah, dhaliisha ugu badan ee maanta Mucaaridku ku af-gobaadsadaan ayaa ah in madaxweynuhu tahli Karin gudasha saxda ah ee xilka madaxweynenimo oo uu daalay da’na ka dabo timi. Taas o soo saartay galdaloolooyin keenay yaa buuxiyey oo qabta hawl maalmeedka madaxweynaha iyo goaamadda ka soo baxa Madaxtooyadda. Ceeb iyo xumaan maaha in madaxweyne talada dalka haya ama uu xanuunsado ama da jirta awgeed xil gudasho la;aan ku timaado, waxaase taasi soo dadajisey tuhunka saaran madaxtooyadda oo ah talada dalka in Cid kale ay u gacan gashay.
7 . Ka Gaabinta Xidhiidhkii Somaliland ay ku Laheyd Qaaradda Afrika.
Xukuumaddii Daahir riyaale ee ka horeysay tan siilaanyo waxay xidhiidh qoto dheer la sameystay dowladaha afrika gaar ahaan dowladaha jaarka, mudadii ay xukuumadda siilaanyo jirtay waxay ku guuldareystay in xidhiidh adag la yeelato dowladaha jaarka oo maanta ka faro baxay doorkii ay Somaliland ku laheyd, waxaa kale oo wiiqmay saameyntii diplomaasiyadeed ee Somaliland ku laheyd dowladaha IGAD. Iyadoo labadii sanaba hal mar Madaxweynayaashu wadama afrika isugu yimaadaan oo arrimaha qaaradda lagu falanqeeyo aya hadana mar kaliya wax dadaal ah oo dhaafsiisneyn in safaro madaxweynaha iyo wasiiradu ku tagaan Addis ababa aan laga dhaxlin.
Waad Mahadsantihiin
Fouad Abdisalam Hassan