Tobanka Cisho ee u danbeeya Bisha Ramadaan Iyo Habeenka Ugu Qaalisan ee Camal Alle loogu dhawaanayo oo La Sameeyo uu la Qiimo yahay Kun Bilood DAAWO
Hargaysa 16. June 2017 (SDN/QJ):- Akhristeyaal inagoo ku gudda jirna todobaadii maalmood ee u dambeeyey Bisha barakaysan ee RAMADAAN, waliba maalmihii ugu khayrka badnaa, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa muxaadiro qiimo badan oo ka waramaysa habeenka LAYLATUL-QADRIGA ee ku jira Bisha.
(1) Waa habeen camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku jirin.
(2) waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la keenay meel la yiraahdogurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna qayb-qayb Nabiga SCW loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano gudohood ah.
(3) waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya, risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa’igta u xilsaaran arintaas.
(4) Waa habeen malaa’igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku Jibriil, habeenkaa Allaah SW ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay. Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn, habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddaan u gaar yeelay, qofkii haleelana khayr dhamaantiis ayuu haleelay, Rasuulkuna SCW isagoo fadliga habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: “Qofkii Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore”. Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa asaxaabtu waxay jeclaysteen inay ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga SCW wuxuu yiri: “Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23, 25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka.” Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Markii uu Rasuulku SCW sidaas yiri ayaa waxaa la ogaaday inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah, laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo jeedayo.
Hadaan Ogaado Habeenka Laylatul-Qadriga Maxaa Leeyahay?
Maadaama asaxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo, ayaa Caa’isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga SCW waxay Rasuulka SCW ku tiri: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan leeyahay? Markaas ayuu ku yiri: Waxaa aqrisaa ducadatan:
“ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL CAFWA, FACFU CANNII”
Haddaba Muuqaalkan hoose ee Muxaadirada Daawo si aad wax badan uga ogaato fadliga iyo khayrka ku jira habeenkan oo ka faa’idayso Waxaa Muxaadiradan Soo Jeedinaya Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir.